Xildhibaan Deegaanka Burco Ah Oo Eedeeyay Maayarka Iyo Maayar—Xigeenka Degmadaas

0
719

Burco(Geeska)-Xildhibaan Axmed Afyare oo ka mid ah Golaha deegaanka Burco ayaa Maayirka iyo Maayir ku xigeenka Burco ku eedeeyay in ay Xafiisyadooda Dawladda Hoose fadhiisan la’yihiin ,si ay bulshadda ugu shaqeeyaan ,isla markaana taasi sababtay in shaqada hoos u dhac ku yimaado .

Xildhibaanka oo Burco ugu waramay qaar ka mid ah Saxaafadda ayaa sheegay in Dawladda Hoose ee Burco lagu yeeshay Daymo kala duwan ,taasina ay sababatay in Maayirka iyo Maayir ku xigeenku Suuqa wareegaan isla markaana hawlihii shaqo ee loo igmaday meesha ka baxaan ,Xildhibaanka oo arimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi, waxaanu intaas raaciyay “ Waxaynu joognaa xaruntii Dawladda Hoose ee Burco ,mudo imika bil ah shaqadu maalinba maalinta ka danbaysa way soo yaraanaysay, waxaana sababay Maayirka oo todobadda iyo Badha Subaxnimo Dawladda Hoose ka baxaaya 12:00 maalinimana soo noqonaaya. Waxaasina waxa keenay meesha oo gashiyaysan ,Dayntii dadka oo laga war-wareegayo ayuu shaqada Maayirku u fadhiisan-waayay markaa bal –waxaan leeyahay Saxaafadu iyo shicibkuba ha soo booqdaan Dawladda Hoose ee Burco xiliga uu maayirku ka tago iyo xiliga duhurka ee uu soo noqonaayo ,shaqaaluhuna maamulka ayay eegtaan ,Xoghayuhu isagu shaqadiisa dakhli ururinta  wuu qabtaa waanu fadhiyaa  ,ilaa rawaxaada ,laakiin masuuliyiintii kale ee Dawladda Hoose marka shaqadu bilaabantana way baxayaan oo Suuqa ayay aadayaan marka dadku jeestaan ee rawaxaadana way soo noqonayaan “ Sidaasi ayuu Xildhibaanku yidhi waxaanu intaasi ku daray.

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi xildhibaanku “ Markaa waxaan leeyahay waar umadda u adeega oo Xafiiska fadhiista ,oo idinkaa hawshii la idiin igmadee shaqadda wada ,shicibkuna si aaney u niyad jabin ,hadii kale oo dadweynuhu Dawladda Hoose nacaan ama ka niyad jabaan dhamaanteen way ina wada saamaynaysaa Gole deegaan ahaan.

Geeska kale hadalkan Xildhibaanka ka soo yeedhay ayaa ku soo beegmay xili mudooyinkii u danbeeyay dadweynaha reer Burco ka dayrinayeen shaqooyinka Dawladda Hoose ee Burco.