Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog Oo Si Adag U Dhaliilay Safarka Madaxweyne Siilaanyo Oo Uu Sheegay In Weji-gabax Culus Kala Kulmay Magaalada Sheekh

0
591

Picture2Hargeysa(Geeska):-Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac(Aw-xoog), oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland, ayaa si adag uga hadlay safarkii madaxweyne Siilaanyo muddooyinkii danbe uu ku maraayey qaar ka mid ah gobalada dalka, waxaanu soo bandhigay wejigabax uu sheegay inay Madaxweyne Siilaanyo ka raacday degmada Sheekh ee gobalka Saaxil, ka dib markii uu is yidhi dhagax dhig cusub samee balse la dul geeyay gurigii Martida ee uu 2012 dhagax dhigay oo aan weli dhismihiisii la bilaabin.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac(Aw-xoog), oo muddooyinkii danbe ku sugna Imaaraadka Carabta, ayaa hadalkan ka sheegay mar uu xalay khadka taleefanka ugu waramaayey wargeyska Geeska Afrika, waxaana uu ugu horeyn safarkaas madaxweyne Siilaanyo ku tilmaamay in uu la mid yahay kii kan ka horeeyey ee uu ku soo maray qaar ka mid ah gobalada, waxaana uu tibaaxay in uu sidii kii hore uu dhagaxaan aan laga dhabaynayn soo dhagax dhigay.

"Safarkan horta sidii horeba loogu sheegay waxaa loo bixiyey safarkii siigaale ee madaxweyne Siilaayo, waxaa ka horeeyey safarkii dhagax-yaale ee uu ku maray Lug-haya, Saylac, illaa dee safarkii xeebta ee uu ku tagay Laas-qorey oo barigaana safarkaa magac ayaa loo bixiyey ahaa dhagax-yaale oo loogu bixiyey dhagxaanta faraha badan ee ma'dhalayska ah ee aan waxba tarayn ee uu meel walba dhagaxa dhigay ayaa horta loogu bixiyey dhagax-yaale. Kan labaad kii hore waxba ma dhaamo oo isagana waa la odhan karaa dhagax-yaale, laakiin  madaxweynaha oo meel walba siigo ku kiciyey oo aan meelba ku ha'kanayn oo sida hilaaca u maraaya, oo siigada iyo boodha ka kicinaaya ayaa loogu bixiyey Siigaale, se waxaan anigu odhanayaa waa dhagax-yaalihii Labaad(Dhagax-yaale 2), oo madaxweynahu dhagxaan fara badan ayaa uu dhigay barigii hore safarkiisii oo dakado badan ayaa uu dhagax dhigay, dakadahaasi Malaayiin dollar ayaa ay ku kacayaan, waxaa ka mid ah dakada Lug-haya, waxaa ka mid ah dakada Laas-qorey, dakado fara badan ayaa ka mid ah, lacagta meesha uu ka keenayo waa lays waydiiyey, oo kaliya waxaa ay arrintaasi ahayd ollale, tana waxaa uun ay imika dadku u arkaan dhagxaan dhigistiisa in ay tahay ollale, sidii rag badan oo iga horeeyey ay sheegeenba, Madaxweynahii ugu dhagxaan dhigid badnaa caalamka ayuu noqonayaa, dhagxaan dhigistaas cusubi, waxaa ay noqonaysaa inta uu dhagxaan dhigo uu ka dhaqaaqo, dibna ha ugu noqonin, dibna ha u dhuganin, dhagax dhig, ka dhaqaaq, dibna ha u dhuganin”.Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Aw-xoog oo sida oo kale hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yidhi:“Madaxweynaha safarkiisu waxaa uu u eeka safar ollale oo annagu maalintii aanu Burco tagnay haddii aanu Waddani nahay waa kuwii ka cabaaday, waa kuwii illaa guurtidii oo na dhex dhexaadinaysay soo gashaday waa ollale, marka waxaanu leenahay ma kaayagii ayaa ollale u eeka mise kan, waxa weeye dee anagu qaadhaanka ay bixiyaan dadka xubnaha ah ee xisbiga ku jiraa ayaanu ku soconee, isagu hantidii qaranka ayaa uu ku socdaa oo xafiisyadii qaranku waa ay haawanayaan, muddada uu meeraysanayey ee uu sidii kolba Odey geelii ba'ay dhinac u cararayey xafiis qudha lagama shaqayn, oo wasiiradiina waa ay la socdaan, hantidii qarankana waa lagu takri falayaa. Imika waxaa jira waa Komishan, Komishankana waxaanu leenahay waa in uu arrintaa waxa ka qabtaa, sababta oo ah ollole toos ah ayaa uu ahaa oo 300-oo gaadhi ayaa la kaxaystay, 30-Wasiir ayaa raacay, xafiisyadii dawlada oo dhan ayaa la sii xidhay, markaa safarkaasi waa in uu yeeshaa la xisaabtan, waa in la'is weydiiyaa maxay wasiiradani ay xafiisyadoda uga yaaceen, lacagtan xagee ayaa laga keenay, marka arrin ollole ah ayey ahayd. annagana imika wax na xidhayaa ma jiraan markayaga 800-boqol oo gaadhi ayaanu ku baxaynaa haddii la'la xisaabtami waayo”.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac, waxaa kale oo uu ka hadlay waji-gabax uu sheegay in uu kala kulmay madaxweyne Siilaanyo safarkiisii markii uu soo gaadhay degmada Sheekh ee gobalka Saaxil, waxaana uu tibaaxay in madaxweyne Siilaanyo ay ceeb weyni ka raacday markii uu la dul geeyey gurigii martida ee dagmadaasi oo hore uu madaxweyne Siilaanyo u dhagax dhigay balse aan illaa hada la dhisin. “Iyada oo meel walba ay hore dhagxaani u buuxiyeen oo dhagxaantii hore lagu turun turoonayo oo uu iska rogo dhagxaan ah uu hore meesha u dhigay in uu haddana imika uu yidhaahdo dhagxaan ayaan idiin dhigayaa, dadkii marka way fikireen waa ay la hadleen oo waxaa ay yidhaahdeen timirtii horeba dab loo waa oo dhagaxii hore ee aad dhigtayba kari waa oo bislaan waa, waxaana kuu cadaynaysa waji gabaxii uu magaalada sheekh kala kulmay oo inta uu is yidhi dhagax dhigid samee loo geeyey dhagax dhigii uu 2012-kii u sameeyey ee uu yidhi guriga martida ayaan idiin dhisayaa oo aan wali la dhisin oo xagiisa loo dhaqaaqin, deedna isaga oo meeshaas aad iyo aad ugu ceeboobay ayuuu haddana balan qaaday in uu dhisaayo. waxaan leenahay waxani waa balan qaadyo beena oo kuwii horeba aanay waxba ka rumoobayn safarka Siigaale ama Dhagax-yaale 2".Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac.

Ugu danbeyntiina Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac(Aw-xoog), waxaa uu is-bar bar-bar dhig uu ku sameeyey maamulka madaxweyne Siilaanyo iyo maamulkii ka horeeyey ee madaxweynahii ka horeeyey ee Daahir Riyaale Kaahin, "Madaxweynaha Somaliland Md:Axmed Siilaanyo intii uu xukunka dalka hayey waxaa loo bixiyey Axmed Guddi, oo markasta oo ay wax yimaadaanba isaga oo qaban kara ayuunbuu haddana yidhaahda guddi ayaan u saaray arrintaas, imikana waxaan ugu darnay naanaysta ah Axmed Dhagax-yaale, markaa waa Axmed gudi-dhagax-yaale oo dhagax iyo gudi ayuunba uu saaraayee, waxbana ma qabto oo waxa uu qabtaana waa wax aad u kooban oo muddadii shanta sano ahayd ee uu xilka hayey, nimankan meesha fadhiya ee Kulmiye markii ay meesha imanayeen, waxaa ay sameeyeen buug cagaaran oo been ah, oo la yidhaahdo buuga cagaaran ee beenta ah, waxay ku olloleeyeen ha tahriibin walaal. Xukuumadii UDUB waa aynu ogeyn waxaa ay samaysay maamul daa'dajin, Laas-caanood waxaa ay ahayd meel ay Puntland ay gacanta ku hayso, waa ay ka saartay gacantana waa tii ku dhigtay, imika intii xukuumadan meesha loo dhiibay waa kuwii hayn kari waayey ee Buuhoodle, Taleex iyo meelihii kale waxa ka soo yeedhay waa aynu ogeyn, waxaa dhacday oo aan waligeed hore u dhacin in maamul kale lagaga dhex dhawaaqo gudaha Somaliland oo caalamka oo dhanba uu la'yaabay, xukuumadii hore marka ay wax yimaadan dee gogal ayey fidin jirtay tani gogal-na ma fidiso, xaga galbeedkana sida aad ogtihiin kooxo kale oo Somaliland diid ah ayaa ka dilaacay, xukuumadana waxba ka qaban kari weyday, waxan oo dhana waxaa sabab u ah hanaanka maamul ee xukuumada oo aad u liita”Ayuu yidhi xildhibaan Cabdiraxmaan Aw-xoog.