Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Cabdiraxmaan Xoog) oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa Madaxweyne Siilaanyo aad u dhaliilay. Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog, oo Shalay Warbaahinta u waramay ayaa sidoo kale Xukuumadda ku dhaliilay Doorashada , “Dawladani waxay nala sugaysaa doorashada 2016-ka ka dhacaysa Xamar, dadkana waxay u cabudhinaysaa oo ay u cadaadinaysaa in dalka laga yaaco arinkaasina mid u suura galaya maaha, Xukuumaddu waa inay qabataa doorasho xiligeeda ku dhacda, waxaanay xukuumadani sharci tahay inta laga gaadhayo bisha lixaad ee sanadkan wixii intaas ka danbeeyana dawladu waa qayrul sharci.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Haddii aanu nahay Xildhibaanada iyo Labada Xisbi Mucaarid go,aan adag ayaanu ka soo saaraynaa haday Doorashada wakhtigeeda ku qaban waydo, ma jirto wax kordhin la yidhaahdaa shuruudihii Dastuurku sheegay ee kordhinta banaynayey wax dalka ka jiraa ma jiraan,Aafo baahsani ma jirto, Abaar baahsani ma jirto, Somaliland nabad ayey ku naaloonaysaa sabab xukuumadu u cuskato kordhina ma jirto.”
XIldhibaan Cabdiraxmaan Xoog ayaa mar uu ka hadlaayey awooda Madaxweynaha yidhi “Madaxweynaha wuxuun baa loo akhriyaa oo loo qurxiyaaye dee odaygii ma joogo, arimihiisana nin ragi wuu ogyahay doqona loo sheegi maayo halka xaaladiisu marayso, in dad kale awoodiisii ku tagri falaan oo ay u maamushaan kolbana ay Madaxweynaha meeshii ay doonaan geeyaan oo kol ay yidhaahdaan Awdal tag kolna Laascaanood ka soo jiiree adiga oo aan waxba qabanayn oo iska soconaya taasina dadka kalsoonidooda lagu kasban maayo.”
Xildhibaan Cabdiraxmaan wuxuu intaas raaciyay “Madaxweynuhu sidii uu hore labada Gole Qaran uga hor cadeeyey ee uu yidhi maalin ku darsan maayo, madaxweynuhu doorasho wuu ogol yahay laakiin dadka ku xeeran ayaan doorasho doonayn dadka ku xeeran ayaa taladii ka haysta waana in talada madaxweynaha loo daayo, madaxweynahana tartan xalaal ah ayaanu la galaynaa oo cod ah Madaxweynuhuna cod ayuu meesha ku yimid xabad kumuu qabsan, markaas waxaanu leenahay dawladu yaanay xukunka ku sii dhagnaan oo aanay xoog isticmaaline ha timaado, sidii lagu doortay ayaana lagu ridayaa waana dhab oo waa la ridayaa.”