Wasaaradda Khaarajiga Oo Beenisay Inay Dalbatay In Denmark Loo Masaafuriyo Muwaadin Xidhan

0
490

Hargeysa(Geeska)-Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa beenisay inay xeer ilaalinta guud ee qaranka u gudbiyeen dalab ah in dalka Denmark loo masaafuriyo muwaadinka magaciisu yahay Cumar Xasan Cumar oo ku xidhan jeelka Hargeysa.

Warsaxaafadeed uu shalay soo saaray agaasimaha guud ee wasaaradaas Maxamed Xasan Siciid, ayaa lagu sheegay inaanay jirin qoraal ay wasaaradaha arrimaha dibadda, arrimaha gudaha iyo cadaaladu u gudbiyeen xeer ilaaliyaha guud oo la xidhiidha muwaadinkaas. Warsaxaafadeedka wasaaradda arrimaha dibadda ayaa wuxuu u qornaa sidan “Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland waxay halkan ku beeninaysaa war been abuur ah oo lagu daabacay Wargeyska Foore. Sida uu baahiyay Wargeyska Foore cadadkiisii 658aad ee taariikhda Sabti, 21 Feb 2015 waxa uu Wargeysku daabacay war lagu sheegay in wasaaradaha arrimaha dibadda, arrimaha gudaha iyo cadaaladda si wada jir ah oo qoraal ugu gudbiyeen xeer ilaaliyaha guud in muwaadinka magaciisu yahay Cumar Xasan Cumar oo ku xidhan jeelka weyn ee Hargeysa dib loogu dhoofiyo dalka Denmark oo uu dhalashadiisa haysto. Haddaba wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland waxay cadaynaysaa inaanay waxba ka jirin warkaas oo uu gebi ahaanba yahay mid been abuur ah islamarkaana aanay jirin wax qoraal ah oo wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis iyo masuuliyiinta kale ee qarankuba ay ka soo saareen arrinta muwaadinkaas oo meel loo gudbiyay. Wasaaradda arrimaha dibaddu waxay uga fadhidaa Wargeyska Foore inuu soo cadeeyo warkan iyo qoraalka ay sheegeen in wasaaradda arrimaha dibadda iyo masuuliyiinta kale u gudbiyeen xeer ilaaliyaha guud sida wargeysku sheegay.”