Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog Oo Madaxtoyada Iyo Xisbiga KULMIYE Ku Eedeeyay Inay Ka Dambeeyeen Rabshadii Ka Dhacday Xafladii Waddani

0
642

Picture6Hargeysa(Geeska):-Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac(Aw-xoog) oo ka mid ah mudanayaasha aqalka golaha wakiilada Somaliland sida oo kalena ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa xukuumada talada dalka haysa ee uu gadhwadeenka ka yahay madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyey in ay ka dambaysay rabshadihii ka dhacay xafladii uu xisbiga Waddani qabsaday khamiistii, waxaanu xukuumadda ku eedeeyay inay  dalka dib ugu celisay nidaamkii carjuuqdhe ee ay ku dhaqmi jirtay dawladii kaligii taliska ahayd ee Siyaad Barre,waxaana uu sheegay in maalin walba  si sharci darro ah loo xidh xidho dadka fikirkooda muujiya ee ka soo horjeeda hanaanka maamul ee ay xukuumada hada talada dalka haysaa ay u socoto.Waxaana uu sida oo kale ka hadlay sharcinimada heshiisyada ay xukuumadu la gasho shirkadaha shidaal baadhista iyo macdan qodista ee dalka,isaga oo tibaaxay in dastuurku uu dhigaayo in heshiisyada la’la galo shirkadaha shidaal baadhista iyo macdan qodistaba la horgeeyo aqalka golaha wakiilada Somaliland.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac ayaa hadalkan ka sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyey wargeyska Geeska Afrika, waxaana ugu horeyn ka hadlay xaalada guud ee dalku maanta maraayo."Xaalada dalku maanta waxaa ay maraysaa xukuumadii Siilaanyo oo isu rogtay,xukuumad bilays,dadkii oo layska xidh xidhayo,iyada oo waaran maxkamadeed aan loo haysan,dadkii oo la odhanayo warqad ayaa gaadhigaaga ku naban,oo layskaga xidhayo.Marka waaran la'aan lagu xidhana waxaa aynu ognahay in muddo aad u dheer gaar ahaan CID-da meesha la yidhaahdo,Saldhiga dhaxe iyo saldhigyada kale ee ku yaala magaalada Hargeysa,muddo dheer dadka layskaga hayo.oo maalin walba inta maxkamada la geeyo laga soo qaato,oo Laba maal mood inta la meer meeriyo kolna la sii wado kolna la soo wado,iyada oo aan wax cadaymo ah aan loo hayn,arrinkaas oo la yidhaahdo jactadis iyo niyad ka dilid oo dadka lagu jactadinaayo.Arrintaas waanu cambaaraynaynaa dhawaaq dheer ayaanan ku cambaaraynayaa haddaan ahay Xill.Cabdiraxmaan Aw-xoog,arrintaa dadka layska xidhanayo oo ah xeerkii ii hay ee Siyaad Barre,ee dadka inta si dag dag ah loo qabto muddo aan la cayimina layska haynaayo ayey xukuumadani la soo baxday”Ayuu yidhi Xildhibaan Xoog.

Md:Cabdiraxmaan Xoog oo sida oo kale hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu gudida caddaalada iyo xuquuqul insaanka ee golaha wakiilada ugu baaqay in kormeer ku tagaan xabsiyada magaalada Hargeysa,si ay ugu kuur galaan dadka sida sharci darrada ah u xidhan,waxaana uu yidhi:“Waxaa kale oo aan ugu baaqayaa gudida cadaalada iyo Xuquuqul Insaanka ee golaha wakiiladu in ay kormeer ku maraan dhamaanba Saldhigyada iyo xarumaha CID-da  iyo Jeelasha oo uu baadhaan dadkan layska hayso.waxaynu u dagaalanay oo kaligii taliskii Siyaad Barre u ridnay,in aynu ka baxno ha dhaqdhaqaaqin iyo car juuq dheh.waxaanan mooda in dalka ay dib ugu soo noqotay car juuq dhehdii dawladii milatariga ahayd ee Siyaad Barre.waayo qodobka 32-aad ee dastuurka Jamhuuriyada Somaliland ayaa si buuxda u qeexaya muwaadin kasta waxaa uu xor u yahay in uu fikirkiisa uu ku cabiro qoraal,hadal,muuqaal,suugaan ama qaab kale oo sharciga waafaqsan.muwaadin kasta waxaa uu xaq u leeyahay in uu abaabulo ama uu ka qayb qaato kulan ama banaan bax nabadeed oo xeerka waafaqsan.Warbaahintu waxaa ay kamid tahay xoriyaadka aasaasiga ah ee rayi dhiibashada,waxaana ay leeyihiin madaxbanaanidooda,waana ay reeban tahay talaabo kasta oo lagu cabudhinaayo,waxa weeye dadkani in ay neefsadaan oo ay hadlaan ayey u soo dagaalameen oo ay heeryadii guumaysiga isaga qaadeen,markaa in dib loogu celiyo car juuq dheh,cago juglayn,cabudhin iyo hadidaad maaha".

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac,waxaa uu sida oo kale uu si adag u cambaareeyey dhalinyaro aan wali la garan cida dabada ka riixaysay oo rabshad ka sameeyey goob munaasibad soo dhawayn ah oo xisbiga WADDANI ugu qabanaayey taageerayaal ku soo biiray,waxaana uu sheegay in arrintaasi ay tahay mid aad u fool xun isla-mar ahaantana khatar ku abuuri karta qaranka Jamhuuriyada Somaliland,isaga oo sida oo kalena ku baaqay la sameeyo baadhitaan madax-banaan oo arrintaasi khuseeya,si sharciga loo horgeeyo cidii ka danbaysay.

"Walaahi arrintaasi arrin qurux badan maaha, manay wanaagsanayn in la soo abaabulo,arrintaasina waxaa ay ku godan tahay ama aad iyo aad arrinkaas loogu tuhun san yahay in ay ka danbeeyaan madaxtooyada,iyo dad ka agdhaw dhaw iyo waliba sida oo kale xisbiga KULMIYE iyo waliba xildhibaano KULMIYE ah,imika arrintu waa tuhun weeye arrintaasina se rabshadaasi rabshad loo baahna maaha,maaha in dhalinyarada layska horkeeno,nin waliba waa uu leeyahay ciyaal suuq,jiri iyo dhalinyaro la soo abaabulo,arrinkaasina waa arrin khatar ah haddii aynu noocaas bilowno.oo dhalinyaradii awalba wax barasho fiican aan haysan,ee shaqooyinka aan haysan bal intii soo hadhayna haddii la yidhaahdo ha is shiid shiideen ama ha is doox dooxeen,arrinkaasi arrin wanaagsan maaha,arrinkaas waanu cambaaraynaynaa,waxaanan isleenahay arrinkaasi waxaa uu gali doona dad waaweyn.waxaana la ii sheegay in dhalinyaradii rabshada samaysay qaarkood la qabtay oo ay iyaguna cid magacaabeen se waxaan ka dhursugaynaa waa baadhista socota,waxaanan sida oo kale leeyahay baadhis madax banaan hala sameeyo,oo haddii ay dad waaweyn iyo dad yar yarba ay soo gashaba waa in la horkeena maxkamada,waayo arrinkaasi arrin sahlan maaha dad-baa la dhaawacay,gawaadhi ayaa la burburiyey,xisbi ahaan iyo ka baarlamaan ahaana waanu cambaaraynaynaa"Ayuu yidhi Md:Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac waxa kale oo uu ka hadlay heshiisyada shidaal baadhista ee ay xukuumada Siilaanyo la gasho shirkadaha shidaal baadhista iyo macan qodista,waxaana uu carabka ku dhuftay in heshiisyada la’la galaayo shirkadaha shidaal baadhistu ay yihiin kuwo dhaqaale,isla mar ahaantaana uu dastuurku qeexayo in heshiisyada dhaqaale ama siyaasadeed cid gaar ah la’la galo la horkeeno baarlamaanka Jamhuuriyada Somaliland,si loo hubiyo heshiisyadaas.

"Waxaan aad iyo aad aan uga xumahay in wasiirka lama taabtaanka ah ee madaxweynahiisuna aanu badali karin,sida oo kalena ah nin aan cidna waxba iskaga tarayn,oo haddii dastuurka lagu dhaqmaayo oo la raacayo,waxa weeyaan qodobka 53-aad ee dastuurka ayaa si cad u qeexaya,waxaana ay ka mid tahay awoodaha iyo waajibaadka golaha wakiilada,waxaana qodobkaa 53-aad farqadiisa 23-aad ay odhanaysaa golaha wakiiladu waxaa uu ansixiyaa heshiisyada dawliga ah,ee ay kamidka yihiin kuwo Siyaasadeed,dhaqaale iyo nabad galyo,kiishadan uu lacagta ku guranaya ee uu xaqul qalinka ku sheegay,ee uu abu dabay lacagta dhiganaayo,miyaanay heshiis dhaqaale ahayn,waxaa igu maqaalo ah in uu hore u yidhi waajib dastuuri ah iguma ah in golaha la horkeeno,qodobkaas uu dafiraayo ayaan u akhriyeynaa oo Afsomali ayaan ugu akhiriyeynaa oo af-jabaaniis kuma qornee Af-Somali ayaa uu ku qoran yahay.waxaan leeyahay waa xaaraan in wasiirkaasi uu sidaas yidhaahdo,qodob dastuuri ah ayaana uu jabiyey,mida kale qoladan u heshiisyada xataa la galaayo waa ay og yihiin in xataa aanay baarlamaan la'aan shaqayn karin,waar waxaan leenahay illaa aad heshiisyada aad baarlamaanka keentaan wax allaale iyo wax idiin soconayaa ma jiraan"Ayuu yidhi Xildhibaan Xoog.

Ugu danbayntiina Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac(Xoog),waxaa uu ka jawaabay hadalo muddooyinkii danbe xisbiga WADDANI uga imanaayey xisbiga muxaafadka ah ee KULMIYE,kuwaas oo ku saabsanaa in xisbiga WADDANI laga’ga dhaqmo qabyaalad,waxaana uu tilmaamay in xisbiga WADDANI aan qabyaalad laga’ga dhaqmin balse xisbiga WADDANI u yahay xisbi golahiisii dhaxe lagu qaybiyey qaab qabiil.

"Xisbiga KULMIYE waxaan imbadan aan ka maqlaa xisbiga WADDANI qabyaalad ayaa uu ku dhaqmaa,anigu ma garanaayo meel xisbiga WADDANI qabyaalad lagaga dhaqmo oo xisbiga KULMIYE waa ay cadayd in golahiisa dhaxe uu ku qaybiyey qabyaalad oo marka aad soo gasho waxaa lagu odhanayaa reerkiini halkaas ayaa uu fadhiyaa,ama laynkaas ayaa uu fadhiyaa ee fadhiiso,markaa nimanka golahoodii dhaxe qabyaalad ku qaybsaday ayaa dad qabyaalad ku tilmaamaya"Ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac(Aw-Xoog)