Xildhibaan Cabdiqaadir Oo Sharci Darro Ku Tilmaamay Xeer-hoosaadka Golahooda

0
588

Picture4Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud, ayaa dhaliilay xeer hoosaadka golaha wakiiladu ay dhawaan ansaxiyeen, waxaanu ku tilmaamay mid ka hor imanaaya dastuurka dalka.

Xildhibaan Cabdiqaadir waxa kale oo uu haayadaha caalamiga ah ee dalka jooga ugu baaqay in la taageero gobalada Sanaag iyo Sool iyada oo aan lagu talo  goosanayan wax uu ku sheegay dacaaaydo gobaldaas laga fidiyo. Waxaanu sidan ku sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyay wargeyska Geeska Afrika, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan“Xeer hoosaadkii golaha wakiilada gudidii loo saaray way keeneen oo  sifo sharci ah  ayay ku keenaan, laakiin markii golaha ay keeneen waxay ahayd in 24-saacadood sida xeer hoosaadyada ku qoran in lagu soo akhristo,taasi may dhicin oo xildhibaano aad iyo aad u hadal badnaa oo hawshan ka danbeeyay ayaa aad u doodaayay oo aan arkaayay oo dhibkan keenay, xeer hoosaadkan oo laysku haystay waxa aan macquul ahayn la soo dhex galiyay oo la yidhi soo jeedin, soo jeedintuna waxay ku ansaxdaa marka xildhibaan aragti meesha keeno oo mid ka aragti duwana la keeno,laakiin hal qof ayaa la dhagaystay deedna cod ayaa la galiyay waxaana la raaciyay xeer hoosaadkii.Waxa jira iyada oo aan dastuurkii la furin ayaa laga saaray meeshii shir gudoonkii oo uu dastuurkuna qoraayo, waanad ogtihiin  in aan xeer hoosaad kastaa ka hor iman karin dastuurka qaranka, waxii dastuurka ka hor yimaadaa waa waxba kama jiraan.”

Xildhibaanka oo ka hadlaaya kuraasta hoos loo dhigay ee guddoomiye ku xigeenada waxa uu yidhi“Qofku han waa uu yeelan karaa waxna waa uu doonan karaa, laakiin wax aan sharciyan meelna ku banaanayn inaad doonato maaha,hadda qaabkan wax loo dhigayna waa uu khaldan yahay,laba kursi ayaa xaga hoose la soo dhigay,labadaas kursi ee meesha hoose la dhigay waxa ku fadhisan kara dad aan aqoon badan lahayn.labadaas guddoomiye ee kuraasta hoosta loo dhigayna xuquuqdoodii ayaa meel lagaga dhacay waana mid aan suurto galayn.”

Ugu danbayntii xildhibaanku waxa uu baaqa u diray haayadaha dalka ka hawlgala waxaana hadaladiisa ka mid ah“Waxa muhiim ah in haayadahan dalka jooga ee mashaariicda bixiya dadkana adeegyo ku taageera ay gobalada Sanaag  iyo Sool taageeraan, oo aanay ku aragti qaadan wararka riqiiska ah ee deegaankaas mar marka qaarkood laga sheego, haayada dadka taageeraysa dadkaa soo dhawaynaaya, waana in mashaariicdaas haayaduhu ay bixiyaan ay gobaladaasna ku taageeraan.”