Xildhibaan Buubaa Oo Xukuumadda Ugu Baaqayn Inay Sharciga Guddiga Doorashada U Gudbiso Golaha Wakiilada

0
610

Picture5Hargeysa(Geeska):-Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa Xukuumada ugu baaqay in ay si dag-deg ah ay baarlamaanka ugu soo gudbiso sharcigii gudida Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland, si wax ka badal iyo kaabis loogu sameeyo,maadaama baa uu yidhi hada uu sii dhamaanayo muddo xileedkoodii oo ku beegan dabayaaqada bisha October ee sanadkan aynu ku jirno.

Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa hadalkan ka sheegay shir-jaa’id oo uu shaley ku qabtey magaalada Hargeysa.

"Sideedaba gudida Doorashooyinka Somaliland waxaa uu sida aad la socotaan uu wakhtigoodii ku eeg yahay October sanadkan aynu ku jirno dhamaadkeeda waxyaabaha qeyla dhaantaa keenay amaba soo celiyey amaba keenay in xiligan laga hadlaa waxa weeye muddo xilleedkoodii oo dhamaaday weeyaan iyo doorashadii oo wakhtigeedii uu taagan yahay,waxaan markaa mar labaad iyo mar saddexaadba aan ku celinaynaa in la dardar geliyo oo Xukuumadu ay dardar galiso isla markaana golayaasha xeer dajinta sharcigoodii ay keento si wax kabadal loogu sameeyo qaabka ay ku imanayeen Komishanka Doorashooyinka Qaranku muddo Xilleedkoodiina dib loo eego oo ma Shantan ayaa aynu ku eegnaa ma muddo kale dheeraysiinaa oo Todoba Sano ayaa aynu ka dhignaa,Markaa qaabkee ayaa aynu u dhignaa!!, dee wax iska wey diin  ay u baahan tahay” Ayuu yidhi Ibraahim Mahdi Buubaa.

Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu tibaaxay in xaalada ka taagan Deegaanada barigu aanay wax saamayn  siyaasadeed ah ku yeelan doonin hirgalinta doorashooyinka iyo Diiwaangalinta codbixiyeyaasha,waxaana uu carabka ku dhuftay in horeba aanay deeganadaasi doorashooyinku uga dhici jiirin xildhibaanada laga soo doortana ay ku iman jireen hab saami ah“ Arrimaha diiwaan galinta iyo doorashooyinka ee wakhtigoodii uu fooda inagu soo hayo waxaan u aragnaa haba-yaraatee in aanay wax saamayn siyaasadeed ah aanay ku yeelan karayn,maxaa yeelay dhulkaas hada laga sameeyey maamulka ee aynu hada hadal hayno marka horeba doorasho toos ah oo ka dhici jirtay may san jirin Xildhibaanaduna Saami ahaan ayaa ay kaga iman jireen,Doorashadaa kale ee Madaxtooyaduna Magaalooyinka waaweyn may dhaafi jirin intiba Alxamdu lilaah Somaliland bay gacan teeda ku jirtaa,isla markaana doorashooyinka iyo diiwaangalintuba ay sidoodii uga qabsoomi doonaan".Ayuu yidhi Ibraahim Mahdi Buubaa.

Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa sida oo kale waxaa uu ka hadlay maamulka cusub ee kooxda Khaatumo ay madaxweynaha u dooratay Cali Khaliif Galeydh,waxana uu sheegay in arrintaasi ay tahay nusqaan xaga siyaasada ah oo ku timi Somaliland,isla mar ahaantaana waxaa uu masuuliyada arrintaasi uu dusha u saaray in Xukuumada hada talada dalka haysa.

"Horta marka hore dee waanu ka xunahay maamul maanta Somaliland oo 23-Sano jirtey in dalkii Somaliland gudihiisii maamul aan kii Somaliland aheyn lagaga dhex dhawaaqay waa ceeb iyo fool xumo iyo nusqaan siyaasadeed oo Somaliland ku timi,waxaana dhabarka loo saarayaa oo Masuuliyadaas iska yeelanaysa Xukuumada maanta talada haysa" .Ayuu yidhi Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa.