Xildhibaan Buubaa Oo Xukuumadda Ku Eedeeyay Inay Jabisay Qodobo Distoori Ah

0
539

downloadHargeysa (Geeska)-Xildhibaan Ibraahiim Mahdi Buubaa, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ahna Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa sheegay in Xukuumaddu ay si badheedh ah u jabisay qodobo Dastuuriya, isaga oo tusaale u soo qaatay heshiisyada ay Xukuumaddu gasho oo aan loo soo gudbin Barlamaanka, waxa kale oo uu tilmaamay inay Xukuumaddu ku guuldaraystay inay wax ka qabato baahiyaha aasaasiga ah ee Bulshada.

Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay in Xisbiga Waddani ee uu ka tirsan yahay uu yahay Xisbi dhisan oo danta dadka iyo dalkaba ka lexejeclo ka qabo, haddii uu taladda dalka ku guulaysatana inuu si daacadnimo ku dheehan tahay uu bulshada ugu adeegayo, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Xukuumaddani qodobo badan oo Dastuuriya ayey jabisay, waxaana qodobadaas ka mid ah in Golaha Barlamaanka ay hor keeni weyday heshiisyo badan oo ay gashay, Guriyo badan oo hantidii Qaranka ah oo ay iibisay iyo Hanti Umaddu lahayd oo ay fasaxday, sida Dekadii Berbera oo ah Dekada qudha ee aynu leenahay waa la arkaayey sida ay ka yeeshay iyo sida ay u maamushay, waxa kale oo la arkaayey sida ay u maamushay Warshadihii Korontada ee ay Umaddu lahayd ee Berbera iyo Hargeysa, oo ay ku wareejisay Shaqsiyaad, iyo inta ay ku yeelatay, waligeedna Dawlad iska wareejisay mid ka mid ah hantideeda ugu muhiimsan walibana ku yeelata inta ugu yar,lama arag,  waxa kale oo jira Guriyo badan oo ka mid ahaa Hantida Umadda oo la iibiyey ilaa haddana aan Golaha la hor keenin qaabka loo iibyey iyo sida loo maamulay, Umadda looma caddeyn, waxa kale oo jira Shirkado badan iyo Wadamo badan oo Xukuumaddu heshiisyo la gashay oo aan ilaa hadda la soo bandhigin heshiisyadaasi waxa ay ku saabsan yihiin , in Hantida Umadda si xun loo maamulo, lana musuqo waa ayaan daro aad u weyn, waxaana haboon haddii aanu musuq jirin in Bulshada wax walba oo jira oo tuhun abuuraya in loo soo bandhigo”.  Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa mar uu ka hadllaayey waxyaabo badan oo Xukuumaddani ku guul darastay ayaa yidhi “Baahiyihii aasaasiga ahaa ee Bulshada ee loo baahnaa in wax laga qabto sida adeegyada Caafimaadka, Biyaha  iyo Maceeshada Xukuumaddani wey ku guuldarastay, maxa yeelay weynu arkayna Biyo yaraanta baahsan ee dalka ka jirta, adeegyada Caafimaad ee dawladda ee baylahsan, iyo Maceeshada cirka isku shareertay, iyada oo dadkeenu u badan yihiin dad danyar ah, oo ay jiraan kumaan qoys oo laga yaabo in aanay wada helin Saddexda wakhti ee qutal daruurigooda, ayaa haddana ilaa hadda Xukuumaddani dan aanay ka lahayn inay wax ka qabto Maceeshada  sare u sii kacaysa,waxa aynu arkaynaa heerka uu marayo Tahriibku, iyada oo Xukuumaddu qeyb ka tahay Tahriibka Dhalinyarada iyo Shaqo la’aanta baahsan, waxaana cad inay dayacday Dhalinyaradii, oo halkii looga baahnaa inay shaqo abuur u sameeyso ay niyad jab ku ridayso, waxa aynu arkaynaa cabudhinta  Saxaafadda, iyo xadhiga Suxufiyiinta iyo sidoo kale xayiraada qaar ka mid ah Warbaahinta dalka,  markaas iyada oo dhibaatooyinkaas oo dhan la arkaayo, khaladaadkaas ay ku kacday iyo Dastuurka ay jabisay loo wada jeedo, in xilka laga xayuubiyo ayey ahayd ee may ahayn in lagu abaalmariyo muddo kordhin aan sharci ahayn”.

Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa mar uu ka hadlaayey Xisbiga Waddani  iyo  Siyaasadiisa ayaa yidhi “Xisbi Waddani, waa Xisbigii Somaliland, waa Xisbi dadkiisa iyo dalkiisa daacad u ah, waa Xisbi, haddii uu taladda dalka ku guulaysto ku shaqayn doona daacadnimo , xilkiisana u gudanaya si wanaagsan, waa Xisbi la dagaalami doono musuqa iyo hanti boobka umadda , waa Xisbi Siyaasadiisu cadahay, oo Doorashada wakhtigeeda ku qaban doonaa, dhab ahaana Xisbi Waddani waa Xisbi dhisan oo danta dadka iyo dalkaba ka lexejeclo ka qabo”.