“Somaliland Cid Gaar Ahi Ma Laha, Waa La Wada Dhistay, Waana La Wada Leeyahay”

0
626

Picture4Hargeysa(Geeska):-Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo ka mid ah xildhibaanada aqalka golaha wakiilada Somaliland sida oo kalena muddo dheer ku soo jiray siyaasada Somaliland, ayaa ka xog waramay mar mar xaladihii kala duwanaa ee ay soo martay jamhuuriyada Somaliland, waxaana uu sheegay in Somaliland ay tahay dal si wada jir ah ay u wada dhisteen guud ahaan beelaha dega Somaliland kuwaasi oo sooyaalkii taariikheed ee wadanka si isku mid ah uga dhex muuqday haykalka dawladnimo ee qaranka Somaliland, isaga oo carabka ku dhuftay in aan cid gaar ahi lahayn dawlada Somaliland.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde Xuseen, ayaa hadalkan ka sheegay khudbad aad u qiimo badan oo uu ka jeediyey xaflad lagu xusaayey 18ka May oo ka qabsoontay dalka Maraykank, waxaana uu sida oo kale tilmaamay in qaranka Somaliland uu yahay dal la wada dhistay isla mar ahaantaana aanay cid gaar ahi lahayn.

"Marka aynu halgankii ka nimaadno 1991kii Somaliland tacabka waa la wada gashaday, waxaa laga bilaabay shirkii Burco, shirkii Boorame iyo shirkii Hargeysa. Shirkaa Hargeysa, waxaan ka mid ahaa gudidii distoorka samaynaysay, guddoomiye waxaa noo ahaa oo hada nool oo jooga Sheekh Cabdilaahi Sheekh Cali Jawhar, guddoomiye ku xigeena waxaa noo ahaa Alleh ha u naxariistee ninkii weynaa ee Maxamed Maxamuud Cabdulle, marka waad arkaysaa Somaliland waa la wada maal gashaday hay'adaha dawlada markii la dhisaayey waa laga wada qeyb galay, Somaliland Cid Gaar Ahi Ma’ Laha, Waa La Wada Dhistay, Waana Dal La Wada Leeyahay Oo La Wada Maal Gashaday, odeyaasha la'aantoodna waxba noomay suurto galeen. Baarlamaankan aan imika anigu ku jiraa waa kii Afaraad, oo annaga baarlamaankii Koowaad waxaa uu ahaa 1991kii oo marka madaxweynena uu ahaa Cabdiraxmaan Tuur, waxaan Baarlamaanka guddoomiye u ahaa Alleh ha u naxariistee Ibraahim Maygaag Samatar, waxaa ku xigay kii uu guddoomiyaha isna u ahaa Xaabsade, Cabdiraxmaan baydaani ayaa isna nin la odhan jiray Alleh ha u naxariistee ayaa ku xigeen u ahaa.”.Ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiqaadir Jire Xuseen.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde Xuseen oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu yidhi: “Baarlamaankii Sadexaad oo ah kii Hargeysa lagu dhisay, intaasiba waxaa ay ku yimaadeen hab beeleed oo kuraasta ayaa lagu qaybiyey hab beelo ah qaabkii 60kii codadka lagu kala helay ayaa lagu qeybiyey iyo wax kale oo lagu heshiiyey, Baarlamaanka 97kii Hargeysa lagu soo heshiiyey oo marka Cigaalna uu noqday Madaxweynaha, Cabdiraxmaan Aw-Cali Faaraxna uu noqday madaxweyne ku xigeenka, guddoomiye waxaa noo ahaa Alleh ha u naxariistee Qaybe ana ku xigeen ayaan ka ahaa, ku xigeenkii Labaadna waxaa uu ahaa nin bileyskii hore ahaa oo reer Saylac ah marka waad arkaysaa in hay'addaha dawlada Somaliland aanay cidna gaar u ahayn, sidaas ayaa hay'adaha loogu wada jiray, sidaas ayaan loo soo dhisay, sidaas ayaana loo wada leeyahay Somaliland oo loo wada dhisay ee sidaas ha loo ogaado.".