Xildhibaan Buubaa Oo Xil Gudasho La’aan Ku Tilmaamay Haddii Ay Doorashadu Dib U Dhacdo

0
620

Picture3Hargeysa(Geeska):-Afhayeenka xisbiga mucaaradka ee Waddani Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, ayaa si adag uga hadlay go’aankii dhawaan ka soo baxay komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland ee muujinaayey dib u dhac ku imanaaya qabsoomida doorashooyinka la filaayey in ay dalka ka qabsoomaan badhtamaha sanadkan, waxaana uu dib u dhaca doorashooyinkaas uu ku eedeeyey in ay ka mas’uul tahay xukuumada madaxweyne Siilaanyo, isaga oo sida oo kalena carabka ku dhuftay in ay tahay xil-gudasho la’aan ka timi xukuumada hada dalka u talisa, waxaana uu tilmaamay in Komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland aanay shaqadoodu ahayn kaliya diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha balse ay sida oo kale ay ka mas’uul yihiin arrimaha doorashooyinka.

Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, ayaa hadalkan ka sheegay mar uu shalay la hadlaayey qaar ka mid ah warbaahinta, waxaana uu ugu horeyn sheegay in xisbiga Waddani dhexdiisa lagula tartami karo guddoomiyaha xisbigaasi Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), balse waxaa uu meesha ka saaray hadalo sheegayey in aanu musharax ka noqon karin xisbiga Waddani isaga oo ah guddoomiyaha aqalka golaha wakiilada Somaliland, waxaan uu tibaaxay in aanay jirin wax u diidaya in uu qabto jagada murashaxa madaxweynaha xisbiga Waddani.

"Doorashada madaxnimada xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, waxaa lagu soo xulayaa oo lagu dooranayaa golaha dhaxe ee xisbigu yeelan doono, waxa se aan doonayaa in aan idiin sheego arrin taas ka muhiimsan, guddoomiyaha golaha wakiiladu waa guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, waana musharaxa u sharaxan xisbiga oo jagadaasna loo doorto marka uu dhaco shirweynaha golaha dhaxe ee xisbigu, umaddu waxaa ay u haysataa isaga oo guddoomiyaha golaha wakiilada ah in aanu noqon karin musharax u tartama jagada madaxweynaha, beena waa laga sheega had iyo jeer oo waxa la yidhaahda Lix bilood ka hor waa in uu is casilaa guddoomiyaha golaha wakiiladu hadduu doonayo musharax xisbigaas ee madaxweynaha u ordaaya. Waxa weeye dastuurkeena iyo xeerarkeenuba meelna kumay sheegin oo madnuuc kaga may dhigin xubinta golaha ku jirta ama guddoomiye ha ka ahaado ama xubin ha ka ahaadee, in aanu u tartami karin madaxweyne, isaga oo guddoomiayaha golaha wakiilada ah ayuu madaxweynaha u tartami karaa, madaxweynaha u ordi karaa walibana marka uu helo taas ayuu tan uu baneeyey ee jagada golaha wakiilada ah cidii loo doorto uu xilkeedii ku wareejinaayo, markaa wax isdiidaya oo habayaraatee jirtaa ma jirto.waana la'la tartami karaa wax Alle-yaale iyo wax dhib ah oo ku jiraa ma jirto, xisbigu waa xisbi dimuqraadiya, waxaana lagu kala saarayaa waxaas oo dhan shirweynaha golaha dhaxe ee xisbigu leeyahay.".Ayuu yidhi Ibraahim Mahdi Buubaa.

Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, waxaa uu sida oo kale sheegay in maadaama ay xukuumada hada jirtaa ku guul daraysatay in doorasho dalka ka qabato aan loogu abaal gudin in muddo kordhin loo sameeyo isaga oo tilmaamay in ay xukuumadu hore u haysatay wakhti balaadhan oo ay doorashooyin dalka kaga hir-gelin karaan.

"Komishanka doorashooyinka waa aynu arkaynay in maalin dhawayd ay soo saareen jadwalkii diiwaan galinta codbixiyeyaasha, komishanka doorashooyinka waxaa magacooda la yidhaahda Komishanka doorashooyinka qaranka, maaha komishanka diiwaan-galinta codbixiyeyaasha, diiwaan-gelinta oo qudha maaha shaqadoodu waa illaa doorashada, waxaa laga rabaa oo komishanka doorashooyinka laga sugayaa in ay soo saaraan, diiwaan-gelintii oo dhamaystiran, iyo maalintii ay doorashadu dalka ka qabsoomi lahayd, xeerarka dalka iyaga oo raacaya ee nidaamka dalka xeerarku ay dhigeen iyaga oo raacaya, waxaa looga fadhiyaa oo laga rabaa waxa weeye in ay soo saaraan jadwal dhamays tiran oo ah diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha, xiliga ay bilaabmayso iyo xiliga ay dhamaanayso iyo xiliga ay dalkan ka qabsoomayso doorashada wakiilada iyo madaxtooyadu, ta kale annagu waxaanu ka xisbi ahaan u aragnaa doorashada aad moodo in ay wakhtigeedii dhaafaysaa in ay tahay xil gudasho la'aan xukuumada ka timi, xukuumada oo xilkeedii gudan kari wayday ayaan u aragnaa, waxyaabaha dastuuriga ah ee xukuumada waajib ku ah ee looga baahan yahay in ay qabato waxaa kow ka ah doorashooyinka, waxa weeye sanad walba ku jiri mayno muddo kordhin asbaabtii iyo dastuurkii uu dalku sheegay aan waafaqsanayn oo qayrul sharci ah, dalkuna waxaa uu u baahan yahay in ay doorashooyinku wakhtigooda ku qabsoomaan wakhti mudaysan oo joogtaysan oo haba-yaraatee aan wax la yidhaahdo dib u dhac aanay marnaba ku iman karin, waxa weeye shan sanadood ayey hada xukuumadu ay fadhiday waa laga sugaayey oo way u fadhiday in ay soo saarto agabkii iyo qalabkii doorashada isla markaana ay xiligeedii ay doorashada ku qabato, haseyeeshee markii ay ku guul daraysatay maantana ay muuqato in aanay 26ka Juun doorasho ku qaban karaynin maaha abaal-gud in looga dhigo.".Ayuu yidhi Xill.Ibaahim Mahdi Buubaa.