Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha guddi hoosaadka golaha wakiilada Ibraahin Mahdi Buubaa, ayaa xukuumadda madaxweyne Axmed Siilaanyo ku eedeeyay inay si ba’an faraha ugula jirto golaha wakiilada, waxaanu sheegay in dhibka iyo qasku aanu ku eekaan doonin golaha wakiilada ee uu gaadhi doono guud ahaan dalka iyo gaar ahaan madaxtooyada.
Waxa uu Ibraahin Mahdi Buubaa u diray madaxweyne Axmed Siilaanyo inuu xakameeyo xubno ka mid ah golahiisa wasiirada oo uu ku tilmaamay kuwo jabinaaya kala madaxbanaanida haayadaha dawlada ee uu dastuurku jidaynaayo. Waxaanu sidan ku sheegay mar uu ka hadlaayay xarunta golaha wakiilada, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan “Waxaanu doonaynaa inaan halkan uga cadayno bulshada Somaliland iyo caalamkaba falalka waxashinimada ah ee fooshxa xun ee xukuumadda Somaliland raga maanta hor kacayaa ay ku kaceen ee ay kula kacayaan haayadihii qaran Somaliland ee golaha wakiiladu uu ka midka yahay.Waxaanu halkan ka sheegaynaa in xukuumaddu si badheedh ah oo qaawan ay faro galin joogto ah ugu hayso aqalkii xeer dajinta taas oo ay ku jabinayaan qodobo dastuuri ah oo cadaynaaya kala madaxbanaanida haayadaha dawladu ka koobantahay.waxaanu shacbiga reer Somaliland u sheegaynaa in faragalintaasi gaadhay hantidii cashuurta yar ahayd ee dadka reer Somaliland laga ururinaayay loo adeegsado in lagu burburiyo nidaamkii inoo dhisnaa dhamaantii, sababta oo ah marka golaha wakiilada burburkiisa laga shaqeeyo ee xukuumaddu isu soo qaawiso hantidii umaddana ay u isticmaasho inay ku burburiso waxa burburayaa maaha golaha oo kaliyaata ee waa qarankii inoo dhisnaa ee Somaliland.Waxaanu cadaynaynaa in habeen iyo maalinba xubno ka tirsan golaha wakiilada lagula shiro madaxtooyada oo la soo faraayo amaro ka dhan ah dastuurka iyo xeerarka dalka u yaala,gaadhsiina kara qarankan burbur hor leh,waxaanu uga digaynaa una soo jeedinaynaa inay faraha kala baxdo xumaanahaas ay xukuumadu gacmaha kula jirto.”
Ibraahin Buubaa oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Waxaanu u sheegaynaa madaxweynaha maanta dalka dib ugu soo laabtay (Shalay) ee sheegay in golaha wakiiladu uu u madaxbanaan yahay hawlahiisa, in madaxweyne xubno ka mid ah xukuumadaadu ay faraha kula jiraan golaha wakiilada, taas oo aanu cadaynayno,qaybo xukuumaddaada ka mid ah oo wasiirka madaxtooyadu uu kaw ka yahayna inay faraha kula jiraan golaha wakiilada oo ay gaadheen inay iyagu guddoomiye yaal ka noqdaan qaar ka mid ah gudi hoosaadyadii golaha wakiilada sida gudida joogtada ah oo kale,waxa naloo soo sheegay in Xirsi uu guddoomiye u noqday qaar ka mid ah gudida joogtada ah oo uu u guddoomiyay in la badalo xeer hoosaadkii golaha wakiilada, marka waxaas oo kale dalka ay ka dhacaan way dhaaftay dastuur jabin,waa ay dhaaftay nidaamkii inoo dhisnaa oo la dhaafay waxay maraysaa in burbur ay arintaasi dalka u horseedo.waxaanu sheegaynaa in fidnada iyo dabka ay kula dhex wareegayaan golaha wakiiladu aanu ku eekaan doonin golaha oo kaliyaata ee dhamaan qaranka ay wada gaadhi doonto oo madaxtooyaduna ugu horayn doonto, waxaanu ugu digaynaa madaxweynaa inuu talaabo deg deg ah qaado dibna uga fadhiisto oo ay ku eekaadaan haayadihii dastuurku u jideeyay, inuu ilaaliyo madaxbanaanidii dastuurku uu jideeyay oo uu ilaaliyo sharaftii iyo karaamadii uu qarankani lahaa, haddiise uu ilaalin waayo oo uu talaabo deg deg ah ka qaadi waayo madaxweynuu ma noqon doono dabka halkan laga shidayaa mid ku eekaan doona golaha wakiilada oo kaliyaata.”