Xildhibaan Buubaa Oo Saylici Ku Tilmaamay Siyaasi Fashilmay

0
539

Hargeysa (Geeska)-Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, ayaa jawaab ka bixiyey hadal uu Madaxweyne ku xigeenku ka yidhi munaasibad ka dhacday Magaalada Gabiley oo ay taageerayaal ku soo biirayeen  Xisbiga Kulmiye, waxaanu Saylici ku tilmaamay siyaasi fashilmay.

1

Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, oo shalay warbaahinta u waramy ayaa yidhi  “Saylici Saxaafadu way taqaana sida lagu keenay, sida kursiga loogu fadhiisiyeyna way ka war haysaa, ninkaas la wada og yahay inuu lumiyey kalsoonidii Shacabka iyo kursiga Madaxweyne ku xigeen  xilka uu Umadda u hayey inuu maanta ka hadlo Dimuqraadiyada waa ceeb waa wax nusaaqana weeyaan, sida aad la socotaan Madaxweyne ku xigeenkeenu isagoo Madaxweyne ku xigeenkeenkii qaranka ah  ayuu yidhi nin suuqa joogay ayaan Madaxweyne ku xigeen u noqonayaa,ceeb iyo aflagaado ama fashilaad siyaasadeed intaas baan ugu filanba, maahaba in wax ka badan la raadiyo, isagoo kale inuu aamuso ayaa la gudboonayd,qofku marka uu wixii basristo ee uu habaysto ayuu dadka kale wax ka sheegi karaa”

Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa isagoo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Waxay ahayd Madaxweyne ku xigeenka mar uu Gabiley ka hadlaayey waxyaabaha layaabka leh ee mucjisada ah xilka labaad ee dawladnimada ama hogaanka dalka inuu dawlad lagu dhan yahay soo dhisi doono, maxa fikir ah ee kugu soo dhacaya marka aad maqasho jawaabta noocaas oo kale ah, maskaxda qofka fayoow, miyaanu tan horeba Madaxweyne ku xigeen u ahay,muxuu u soo dhisi waayey, miyaanay su’aashu noqoayn, maxa u soo kordhay, maxa is bedelay, umadda ha u sheego ayaan leeyahay”.