Xildhibaan Buubaa Oo KULMIYE Ku Eedeeyay Adeegsiga Hantida Umadda

0
479

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, oo ah Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ee Waddani ayaa ka hadlay Safarkii uu Muuse Biixi ku tagay Gobolada Barri, waxaanu safarkaas ku tilmaamay safar olole oo loo isticmaalay Hantii iyo Gaadiidkii Qaranka,

1

Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa sidoo kale ka hadlay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya waxaanu hadalkiisi ku bilaabay sidan “Safarkaas Xisbiyada Mucaaradku way ka hadleen oo Komishanka Doorashooyinka dacwado ayey u gudbiyeen, laakiin waxa aan anigu tilmaami lahaa, oo aan hoosta ka xariiqi lahaa saddex arimood oo safarkaas ka dhex muuqday, oo ay ila muuqato inay ahaayeen arimo gef ku ah sharciga iyo qaanuunka, isla markaana meel ka dhac ku ah milgaha dawladnimada, saddexdaas arimoodna waxa ay kala ahayeen sida ka muuqata safarka Guddoomiyaha waxa la socday ama badheedhayey oo magaaladiiba qabsaday Ciidan milatariya oo duub cas xidhan,taasina wax sharcigu aqbali karayo bulshaduna yeelayso maaha, waan uga digaynaa Xisbiga xaakimka ama Xukuumadda  adeegyadaas noocaas oo  kale u fududeeyso Guddoomiyaha Xisbul xaakimka Kulmiye, inay ka joojiso ayaan u soo jeedinayaa, waxa aanu leenahay haddii lagu dhaqmi waayo sharciga nin guri quraad ah ku jiraa, ma tuur tuuro, nin kale, iska jira ayaanu leenahay, bulshaduna wey aragtaa, mucaaradkuna uu arkaa”

Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa mar uu ka hadlaayey xubno ka tirsan Xukuumadda oo safarkaas Guddoomiyaha Kulmiye ku wehelinayey, yidhi “Waxaad arkaysay Badhasaabada iyo Maayarada oo meel walba kaga hor tagayey, Maayarku waxa uu isticmaalaya Hantidii Qaranka, Cashuurtii masaakiinta laga soo ururiyey weeye, Badhasaabkii oo hantidii umadda ku soconaya, markaas waxa ay asbaabahaas oo dhami muujinayaan sida ay Dawladnimada uga madhan yihiin, ama haba yaraate waxa alaale wax ay uga garanayaan aanay jirin, dadkan xilalka haya, waayo dadka xilalka hayaa umadda ayey dhex u yihiin,maaha Xisbi gaar ah, Agaasimaha, Maayarada, Badhasaabada iyo wax la mid ahi maaha inay ku dhex milmaan axsaabta tartamaysa, waxayna muujinaysaa in aanay waxba ka garanaynin hanaanka dawladnimo ee dimuqraadiyadeed ee dalkani ku dhaqmayo, waxa ay muujinaysaa asbaabaha la sheegayo ee la tilmaamayo oo dhami sida dhbta yare e hantida qaranka loo lunsayo ee loo burburinayo, ee loo isticmaalayo ee qayrul sharciga ah, aad baan uga xunahay, waana cambaarayeynaa”.

Xildhibaan Mahdi Buubaa ayaa mar uu ka hadlaayey olalaha Xisbiyada ayaa yidhi “Doorashadu xili bay leedahay, xilligan diiwaangelintii baa jirta, anaga safarkaygu waxa uu ahaa safar gaar ah, oo aanay ka dhex muuqanin haba yaraate wax astaan xisbi ah, marka la leeyahay astaan Xisbina waxa safarkan ka dhex muuqatay mikirifoono ay olole ku galayaan oo heesihii xisbigu saaran yihiin, waxa ka muuqatay durbaano istiikaro, calamo ciida ka badan oo ay ku sharaxan yihiin ama ay ku xardhan yihiin, Musharaxa Madaxweyne ee Xisbigu, waxyabahaas oo dhan ayaa muujinaya shacaa’irtaasi  inay yihiin shacaa’irtii loogu talagalay xilliga ololaha doorashada, anagu anaga oo waftiya oo baaburtaydii gaarka ahaa iska wadana,wax astaan ahina aanay noogu qornayn ayaanu tagnaa oo lanagu soo dhaweeya, soo dhaweeyntaas iyo tagistaas laguma hayso, uu tagi karaa,laakiin waxa la diiday shaaca’irta astaamaha muujinaya ololo Doorasho.”