Xildhibaan Buubaa Oo Ka Digay In Xukuumadu Ay Dib U Bilowdo Wada-hadaladii Somaliland Iyo Somaliya

0
587

Picture5Hargeysa(Geeska):-Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo ka mid ah mudanayaasha aqalka golaha wakiilada Somaliland, ayaa si adag uga hadlay wada-hadaladii u socday Somaliland iyo Somaliya ee dhawaan burburay,waxaana uu burburka wada-hadaladaasi uu sabab uga dhigay farsamo xumaan uu sheegay in ay ku socotay xukuumada Siilaanyo, isaga oo sida oo kalena uga digay in wada-hadaladaasi ay mar kale dib u bilowdo xukuumadu.

Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, ayaa hadalkan ka sheegay mar uu shalay warbaahinta kula hadlaayey magaalada Hargeysa, waxaana uu ugu baaqay aqalka golaha wakiilada Somaliland in ay dib uga fiirsadaan wada-hadaladii Somaliland iyo Somaliya ee ay xukuumada Siilaanyo u  fasaxeen in ay la bilowdo dawlada Somaliya. Isla mar ahaantaana ay dib qiimayn ugu sameeyaan waxii mudaddii saddexda sano ahayd uga soo qabsoomay wada-hadaladaas.

"Waxaa sida aad maal mahanba la socoteen aynu ka warhaynay xukuumada Somaliland oo in badan daba socotay in la soo celiyo wada-hadaladii Somaliland iyo Somaliya, horta marka hore waanu cambaaraynaynaa wada-hadaladaas ay dalbanayso ee ay ku kaliyeysatay aad iyo aad ayaan u cambaaraynaynaa, horena waxaanu ugu baaqnay imikana ugu baaqaynaa in ay ka baxdo Somaliland wada-hadaladaas ay la leedahay Somaliya sababta oo ah wax faa'ido ah oo ka soo socda oo halkaas ka muuqda maa jiraan, waxaan ay arrintu ka xumaatay bilowgii ugu horeysayba xukuumada Somaliland wax haba yaraatee qorshe ah oo isu daba yaalay oo shirarkii hore ee hore dhacay la tagtay ama ay kaga qayb qaadanaysay mabay jirin haba-yaraatee qorshe la'aantiina waxaa ay keentay in ay dhasho in lagaga baxo wada-hadaladii maantana ay iyadu si daciifnimo ah ay u baryoon tanto oo ay u dabo socoto, arrintaa waan ku cambaaraynaynaa ma geydo ayaanu leenahay Somaliland qadiyadeeduna waa lama taabtaan.".Ayuu yidhi Xildhibaan Buubaa.

Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, oo hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu yidhi:“Xukuumadana waxaan leenahay qadiyadan qarankan ayaa iska leh, sidan aad kaligiin iskugu koobteen, ayaana keentay in ay fool xumadaas ay ku danbeeyaan wada-hadaladii Somaliland iyo Somaliya, Somaliland wada-hadaladeedaas fidiya oo umadda reer Somaliland aqoonyahankeeda iyo waxgaradkeeduba ha ka qayb galaan oo markaas ayaa talo qarankan u cuntanta meel marna ah, go'aamo wax ku ool ahina ay ka soo bixi karaan, laakiin inta aad kaligiin isku ururinaysaan ee aad soo taagan tihiin, dee waad arragtaan midhaheedii, abaalkiinba idin helay ayaan leenahay, waana aanu idin ku cambaaraynaynaa fool xumadaas iyo talaabadaas aad u soo hoyseen qaranka ee maanta aad baryootamaysaan ee aad kolba leedihiin aduunyadu ha iskugu kaayo timaado oo ha nala wada hadalsiiyo, wada-hadalkaas midho la'aanta ah farsamo xumaanta aad gasheen ayaa kow ka ah, imikana waxaanu leenahay caano daatay daba-dood la qabay ka noqda go'aamadaas qalafsan ee foosha xun ee ee kaligiin aad iska go'aan sateen in aad idinku miiska wada-hadalada soo fadhiisataan, u bandhiga umaddii lahayd qadiyadan si ay wax midho dhal ahi ay uga soo baxaan arrintaas.".

 

Afhayeenka xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Ibraahim Mahdi Buubaa, waxaa uu sida oo kale uu si adag uga jawaabay hadalo ka soo yeedhay wasiirka arrimaha dibada Somaliya, oo ah mas’uul ka soo jeeda Somaliland.

"Nin Xamar jooga oo wasiir arrimo dibadeed ah xalayna(habeen hore) waa aynu maqlaynay waxaa uu ku hadlaayey, waxaan leenahay Somaliland adeer kuuma baahna, nin ka shaqo tagayna uma baahna Somaliland waa qaran jira oo haba-yaraatee aan waxaa aad ku hadlayso waxba u noqonayn.”.Ayuu yidhi Ibraahim Mahdi Buubaa.

Ugu danbayntiina xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, waxaa uu sida oo kale ayaan darro wayn ku tilmaamay in qaar ka mid ah wadamada aduunku ay qoraalo ka dhan ah ka soo saaraan qadiyada Somaliland.

 "Waxaan sida oo kale aanu ka xunahay in dawlado waawayn oo jira ay iyaga laf ahaantoodu ay u arkeenba in la laabay qadiyadii Somaliland, taas lafteeduna waxaa ay ka mid tahay farsamo xumaanta siyaasada arrimaha dibada Somaliland, waayo dunida kol haddii xidhiidhka aad la leedahay uu hoos u dhaco, isla markaana qadiyadii aad doonaysay aad ka dhaadhicin kari waydo oo aad ku guul daraysato caalamku albaabada ayuu kaa xidhanayaa, dawlado waawayn oo Denmark ay ka mid tahay ayaa hada laga soo sheegayaa in ay soo saartay qoraalo ku saabsan qadiyada Somaliland, waa arrimo fool xumo ah weeye waxaana ay ku tusinaysaa masiirkii umaddan in ay meel madaw ku riday xukuumadani aad ayaan arrinta u cambaaraynaynaa oo aanu uga xunahay, waxaana aanu umadda u sheegaynaa in dhibaato kasta oo qadiyada soo gaadha ay maanta mas'uuliyadeeda koowaad qaadayso. Golaha wakiilada ee isna xukuumada u fasaxay in ay wada-hadal la gasho Somaliya iyaguna dib ha uga fiirsadaan ayaanu leenahay arrintaas.".Ayuu yidhi Xildhibaan Buubaa.