Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay horumarka dhalinyarada iyo doorka Golaha Wakiilada, waxaanu sheegay in isaga iyo Xildhbaano kale oo ka tirsan Golaha ay iska kaashadeen urur aragti wadaag ah oo ka hawgala horumarka dhalinyarada reer Somaliland.
XIldhibaan Axmed Yasiin Sheekh Cali Ayaanle oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay Diiwaangelinta cod bixiyayaasha, oo la filayo inay dhawaan ka bilaamato Gobolka Togdheer, waxaanu Shacabka reer Somaliland ugu baaqay inay aad uga feejignadaan musuqa, is daba marinta iyo ku cel celinta kaadhka Diiwaangelinta, “Aniga iyo Xildhibaano kale oo Golaha Wakiilada ah ayaa waxa aanu ku dhawaaqnay aragti wadaagta xildhibaanada arimaha dhalinyarada, Xildhibaanadani waxa ay ka kooban yhiin Xildhibaanada ka soo kala jeeda Xisbiyada Qaranka, waxay ka kooban yihiin Xildhibaano ka soo kala jeeda Gobolada dalka oo dhan, waxay iskugu yimaadeen oo ay ka mideeysan yihiin arimaha horumarinta Dhalinyarada si ay Golaha dhexdiisa uga doodaan, madaama ay Dhalinyaradu tahay bulshada Somaliland boqolkiiba todobaatan 70%, oo ay iyagu yihiin boqolkiiba boqol dadka mustaqbalka, oo ay yihiin madaxdii , ganacsatadii, macalimiintii iyo madaxdii bari, rasamaalka ugu weyn ee uu Qarankani haystaa waa Dhalinyaro, markaas iyada oo Qaranka oo dhami uu masuul naga saaran yahay haddana in dhalinyarada oo Gabdho iyo Wiilalba leh in muhiimada gaar ah la siiyo ayaanu doonaynaa”.
Xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Xildhibaanada isku yimid waxay ka kooobnaayeen Xildhibaano ay mideeysay in arimaha dhalinyarada la horumariyo, waana Xildhibaanadii hormoodka ka ahaa in Dhalinyaradu isku soo sharaxdo Golayaasha Deegaanka.”
Dhinaca kale Xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cal Ayaanle ayaa mar uu ka hadlaayey Diiwaangelinta waxa uu yidhi “Marka kowaad waa inay Shacabka Somaliland fahanto Diiwaangelintu waxa ay tahay iyo Waxa la isku diinwaagelinayaa si aad u noqoto cod bixiye iyo inaad wax dooran karto laguna dooran karo, waana xuquuq dastuuriya, dastuurkana siiyey in la is diiwaangaliyo oo kaadh cod bixin helaan, ujeedada loogu samaynayo inay kaadh cod bixin helaana waa si ay Doorashooyinku inoogu noqdaan Doorashooyin xor iyo xalaal ah, oo Somaliland cid ay ku kalsoon tahay u doorato, oo aanay u dhicin musuq maasuq khiyaano, wax is daba marin iyo in laba jeer la codeeyo, taasina waa xigmada loo sameynayo is diiwaangelinta cod bixiyayaasha, madaama marka sababta la isku diwaangalinayo ay tahay si looga badbaado musuqmaasuq, ku cel celin, is daba marin iyo in laba jeer la codeeyo, waxaan Shacabka Somaliland ka codsanaya in xalaalnimada Doorashada ay ka soo bilaamato Shacabka Somaliland, oo nin kasta oo muwaadin ahi uu ogaado inuu xaq u leeyahay inuu hal mar kaadhkiisa qaato, aanu aanu xaq u lahayn laba kaadh iyo saddex kaadhba, oo haddii nadiifta, cadaalada iyo doorashada xornimadeeda kaadh qaadashada ka soo bilaamato oo muwaadin kasta uu garto xilka saaran, oo uu qaato hal kaadh, gartana inuu xuquuq u leeyahay inuu hal jeer codeeyo, oo musuqmaasuqu uu ka baxayo meesha, Shacabka Somaliland waxa aan ka codsanaya inay muujiyaan jacaylka ay dalkooda u qabaan,ujeedada diwaangelintuna maaha in loo arko in Goboladu ku kala tiro badnayaan, ama reeruhu ku kala tiro badanayaan, Shacabka Somaliland waxa aan ka codsanayaa in Diiwaangelinta oo 16-ka bisha ka bilaamaysa Gobolka Togdheer, in qof kasta xilkas noqdo, qof kasta oo reer Somaliland ahn dalkiisa xil baa ka saaran”.
Xldhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle isaga ka hadlay nabadgaliyada ayaa waxa uu yidhi “Horumarkeena, Nabadgalyadeena iyo Dimuqraadiyadeena Nabada ayaa u asal ah, Diwaangalintu in si nabadgaliyo ah u dhacdo oo muwaadin kasta xil iska saaro nabadgaliyada iyo kaadh qaadashada ayaa haboon, in kaadhka nabad lagu qaato in loo diyaar garoobo Doorasho xor iyo xalaal ah ayaa wanaagsan, xornimada iyo xaalasha Doorashadu marka ay Shacabka ka soo bilaamato marka ay Doorashadu dhacayso masuuliyiinta tartamaya inama khiyaami karaan, musuqmaasuqu haddii aanu halkan ka bilaamana kor kama soo bilaamo”