Madaxweyne Siilaanyo Oo Khudbadii Distooriga Ahayd U Jeedinaya Labada Gole Iyo Qodobada Ay Tahay Inuu Ka Hadlo

0
631

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa la filayaa inuu toddobaadkan khudbada distooriga ah u jeediyo labada gole Baarlamaan ee Guurtida iyo Wakiilada.

1

Madaxweyne Siilaanyo ayaan la ogayn inay khudbadiisu ku koobnaan doonto wax qabadka xukuumadiisa iyo inuu si waaqici ah uga hadli doono xaaladaha kala duwan ee ku gedaaman qaranka kuwaas oo isugu jira duruufo siyaasadeed iyo dhaqaale.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa la sugayaa inuu sannadkan khudbadiisa si waafi ah ugaga hadlo sicir bararka dalka aafeeyay, una muuqda mid kor u sii socda weli. meeshana ka saaray ganacsiyo hoosaad badan oo ay tirada ugu badan ee qoysaska muwaadiniinta ahi ka heli jireen quutal daruuriga. in kasta oo ay dad badani ka calool weydsan yihiin in uu madaxweyne Siilaanyo khudbaddan kaga hadli doono natiijada guddidii uu sicir bararka u diray u soo gudbidsay, haddii ay jirto. Sidoo kale Musuqmaasuqa oo isna aafo ku noqday dhaqaalaha qaranka ayaa looga baahanyahay in Madaxweynuhu uu ka hadlo.

Waxa kale oo madaxweyne Siilaanyo laga sugayaa inuu ka hadlo siyaasadda dibadda ee Somaliland oo ay culaysyo dhawr ahi soo fuuleen, waxaa ka mid ah wada hadalada Somalialnd iyo Somaliya oo muddo joogsaday iyo doorka wadanka Turkiga ku yeelan doono, Midowga Yurub oo hoos u dhigay heerkii joogitaankiisa Somaliland, Ergeyga cusub ee xoghaya guud ee Qaramada Midoobey soo magaacaabay iyo in xidhiidhka Somaliland la leedahay ka duwanaan doono kii masuulkii ka horreeyey, xidhiidka Somaliland iyo dalalka deriska oo ay dadku si gaar ah u danaynayaan arrinta bixinta Dal-ku-galka Itoobiya oo marar badan la hakiyo.

Khudbada Madaxweynaha ayay sidoo kale shacabku naawilayaan inuu madaxweynuhu kaga hadlo kala qaybsanaanta ku salaysan qabyaalada ee shantii sanno ee u dambaysay ku dhex xoogaysatay shacabka. Dad badanina ku dhaliilo xukuumaddiisu in ay ka mid noqon karto sababaha.

Madaxweyne Siilaanyo waxaa looga fadhiyaa in uu ka hadlo arrinta ammaanka oo aad u xasaasi ah, gaar ahaan dilka saraakiisha iyo ciidamada dhexdooda oo ah arrin ugub ku ah Somaliland, dhaqdhaqaaqyada Puntland ka waddo bariga Somaliland iyo kooxda Cali Khaliif oo ku goodiyeysa in ay carqaladayn doonaan diiwaangelinta iyo doorashooyinka Somaliland si aanay uga dhicin deegaanno ka mid ah gobollada bari e Somaliland.

Ugu dambayntiina Madaxweyne Siilaanyo waxaa laga filayaa in si khudbaddiisani ay u noqoto mid shaafida dadweynaha iyo golayaasha uu la hadlayaba uu si waafi ah ugaga warramo xaaladaha dhabta ah ee jira, taabtana dhibaatooyinka iyo xalka ay xukuumaddiisu u hayso, haddii kale waxa ay la mid noqonaysaa shantii khudbadood ee tan ka horreeyey oo uu kaga hadlay uun wax qabadka xukuumaddiisa inta badanna isku soo noqnoqday.