Xildhibaan Axmed-Gacan Oo Madaxweyne Siilaanyo U Diray Tallooyin La Xidhiidh Khilaafka KULMIYE

0
646

Picture4Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye (Axmed Gacan), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida, ahna Guddoomiyaha Guddida Nabadgaliyada Golaha Guurtida, ayaa Madaxweynaha talo u soo jeediyey, waxaanu ugu baaqay inuu dhex u noqdo Musharixiinta ku loolamaya Kulmiye, oo aanu cid gaar ah taageerin, waxaanu kula taliyey inuu magaciisa iyo sharaftiisa ilaashado.

Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye (Axmed Gacan), oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale waxa uu Bulshada ugu baaqay inay nabadooda ilaashadaan, oo ay isku duubnadaan waxaanu hadalkiisi ku bilaabay sidan "Anigu Kulmiye ma ihi, qolona dhinaca saari maayo, balse inay si xor ah oo xalaal ah u tartamaan ayaa haboon, waxa aan leeyahay Xisbiga Kulmiye si xor ah oo Dimuqraadiya ha u tartamo, dalkana yaanu waxa yeelin sharciga dalkana yaan lagu tumanin, haddii uu Kulmiye ka baydhayo in si dimuqraadiya loo tartamo waa dhibaato, waxa had iyo jeerna rabashada adduunka ka yimaada Kursigaas ay cid gaar ahi doonayso inay qaadato". Xildhibaan Axmed Gacan oo si gaar ah Madaxweynaha ula hadlaya ayaa yidhi "Madaxweynaha waxa aan ugu baaqayaa inuu dhex ahaado, oo raggii ka horeeyey ee seeska u dhigay hirgelinta Doorashooyin dimuqraadiya inuu waddadeedii uu raaco, ayaan kula talinayaa,  Xisbiga Kulmiyena isaga ayaa aasaasay oo sameeyey,Xisbigana waa Xisbigiisi, waa Xisbul xaakimkii, isaga ayaa Gacanta ku haya, Wasiiradda xilka iska casilayna waa Wasiiradii uu Muuse Biixi ku karbaashi jiray, maanta yaanu cid cid ku karbaashine isaga oo Madaxweynuhu Oday ah ha dhex dhexaadiyo, waxa aan Odayga uga digayaa  in aanu ka leexan dariiqa sharciga ah, sababtoo ah Dimuqraadiyad ayuu dalka uu ku qabsaday, maaha in  cid gaar ah si sharci ka baxsan loogu wareejiyo. Musharaxnimada Xisbiga,waxa aan leeyahay Madaxweyne wax waad qabatay, tabasho iyo saluug ha iska jiree, haddana in aad cadaalada ilaaliso ayaa loo baahan yahay oo magacaaga iyo sharaftaada ilaaliso, oo aad dhex u noqoto Xisbiga iyo Musharixiinta tartamaysa, Musharaxa aad doonto waad taageeri kartaa oo codkaaga waad siin kartaa, balse inaad si gaar ah u taageerto Musharax oo aad tidhaahdo yaan lala tartamin cadaalad maaha". Xildhibaan Axmed Gacan ayaa mar uu la hadlaayey Bulshada waxa uu yidhi "Bulshada waxa aan leeyahay nabada ilaashada, rabshadana ha la daayo, nabadu waa qaali, waa waxa ay nolosho oo dhami ku xidhan tahay, aynu aad u ilaalina nabada, oo aynu eegno qudha Hargeysi halka ay taagan tahay hadda iyo halkii ay taagnayd 1991-kii, markaas inay dadka reer Somaliland qaranimadooda ilaashadaan, ayaan u soo jeedinayaa, ".