Xildhibaan Axmed-gacan Oo Ku Taliyay In Loo Gurmado Dadka Miyiga Ku Tabaalaysan

0
661

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Guddaha iyo nabadgalyada ee Golaha Guurtida Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye (Axmed Gacan),ayaa walaac ka muujiyey xaalada nololeed ee ay ku sugan yihiin dadka reer Miyiga ah, waxaanu sheegay in deegaano badan oo uu soo maray uu aad ugu murugooday xaalada dadka, waxaanu tilmaamay in roobkii da’ay, balse dadka xoolihii ay ka dhammadeen, ilaa hadda cid wax u qabatay aanay jirin.

Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Guddaha iyo nabadgalyada ee Golaha Guurtida Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye (Axmed Gacan), oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika ayaa Guddida ka soo kabashada abaaraha iyo Xukuumaddaba ugu baaqay inay dadka ay xooluhu ka baxeen inay sida ugu dhakhsaha badan wax ugu qabtaan, waxaanu yidhi “Deegano badan oo miyaga ah ayaan soo maray, Roob ayuunba da’ay, balse xaalada dadkaasi ku sugnaayeen aad baan uga murugooday, xaalad adag iyo nolol adag bay ku nool yihiin dadka reer miyiga ahi, xoolihii bay ka dhammaaday, oo raadkii abaarta ayaa ka sii muuqda, cid alaale cid wax u qabatayna ma jirto, nolol cidhidhiya ayey ku jiraan, ee gurmad iyo gargaar bay u baahan yihiin, ee Guddidan ka soo kabashada abaaruhu yaanay iska fadhiyine, ee dadka reer miyiga ah ee baahan sida ugu dhakhsaha badan wax ha lagu gaadhan, oo sida ay u kala jilicsan yihiin wax ha u siiyaan, oo cadaalada mar walba ha ku shaqeeyaan”.