Xildhibaan Axmed-gacan Oo Farriimo Guurtinimo U Diray Guddiga Doorashada

0
482

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye (Axmed Gacan), oo ka mid ah Xldhibaanada Golaha Guurtida, isla markaana ah Guddoomiyaha Guddida Nabadgaliyada Guurtida, aya baaq u diray Komishanka Doorashooyinka, waxaanu ugu baaqay  inay xilkooda si wanaagsan oo daacadnimo ku dheehan tahay u gutaan, wakhtigii Doorashada loo cayimayna ay ku qabtaan.

xxxxxxx

 Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye (Axmed Gacan),oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in muddo kordhinta  loo sameeyey Xukuumaddihii dalka soo maray inay dhibaatooyin badan ay horseedeen, "Dhibaatooyin badan ayaa Somaliland ku gadaaman, dhibaatooyinkaasna waxa lagaga bixi karaa Doorasho dalka ka dhacda, wakhtigii diiwaangelinta waa tii loo qabtay bishan Tobankeeda, Komishankuna bisha January ayey dib ugu riixeen, wax dib u dhaca keenay iyo waxa ay inoo sheegeen oo ka xun oo aanay haynina inoomay sheegin oo inoomay caddeeynin, waxa aad looga warwar qabaa inay mar labaad kordhini timaado, kordhintii hore waxa dhibaato, mushakiil iyo muran lagala kulmay weynu ogeyn, ta dambena wey ka sii xumaanaysuun, dalkuna maanta cago adag kuma taagna, Komishankana waxa aan leeyahay oo aan ugu baaqaya inay Doorashadu sidii ay ku qabsoomi lahayd ka shaqayaan, oo ay qabtaan".

Xildhibaan Xasan Gacan ayaa mar uu ka hadlaayey waxyaabaha ay sababeen muddo kordhintii hore ayaa yidhi " Daahir Rayaale ayaa wax loo kordhinayo kow ka ahaa, Sillaanyo wuu qaadan kari waayey kordhintii loo kordhiyey, dhawr goor ayuu yidhi ha ka noqoto Guurtidu,haddii maalintaas laga noqon lahaa Guurtina may jirteen, dalna muu jireen, Xisbiyada Mucaaradku  qaylo badan ayey caalamka maqashiiyeen, taasina waxa ay inoo keentay in Wadamo badan oo ina taageeri jiray, oo ina caawin jiray inay inaga jeestaan, oo Siyaasadeena arrimaha dibaduna ay taasi wax yeesho".

Xildhibaan Xasan Gacan ayaa mar uu ka hadlaayey Somaliland iyo Somaliya wakhtigii ay isku biireen iyo hadalkii dhawaan ka soo yeedhay Maddaxweynaha Somaliya ayaa yidhi "Wakhtigii lixdankii waxa inagu dhacay sinbiririxo balaadhan oo dawladnimadii aynu helnay, aynu meel ku tuurnay, waxa la diray wakhtigaa wafti uu hogaaminayo ALLE ha u naxariiste Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, waxaynu wakhtigaas nidhi haddii shantii Somali la raadinayo anagu shuruud ku xidhi mayno, sidii ay maalintaas dalka xoriyadiisi u luntay baaba, qax iyo dagaal ayaa ka dambeeyey, maantana haddii aanay dalkeena doorasho ka dhicin, taas lixdankii ayuu ku dambayn doonaa, Komishankana waxa ku guubaabinayaa, arintiinu yaanay u dhicin sidii Komishankii la badalay 2009-kii, markii dhanaba wax u wadi waayeen, arintiinu masiir ha yeelato, dalka wax baa ku gadaaman, waxyaabahaasna waxa ka mid ah in Madaxweynaha Xamar yidhi 2016 isbadalka Somaliland wey nagula jirtaa, cida uu balantaas ka haystana garan maayo,heerka ay inaga taagan yihiin Wadamada aynu jaarka nahay weynu arkaynaa, waxyaabaha ka dhacaya Mandaqada weynu arkaynaa, ee waxa aan leeyahay Komishanka Masuuliyadda idin saaran ayuu maanta dalku ku badbaadaya ee doorashada wakhtigeeda ku qabta"