Xildhibaan Askar Oo Sheegay Inaanay Go’aamada Sicir Bararku Daawo Noqon Karin

53
3094

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Cabdiqaadir Askar Xasan, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa sheegay in Guddida loo xil saaray wax ka qabashada iyo xal u helida Sicir bararka in aanay waxba ka garanaynin dhaqaalaha, ee loo baahnaa in dad dhaqaale yahan ahi ka talo bixiyaan, si xal loogu helo.

Xildhibaan Cabdiqaadir Askar Xasan, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale xusay in Xukuumaddii hore sabab u ahayd in sicir bararku heerkan gaadho, waxaanu ugu horeyn yidhi “Sicir bararkana waxay ay Xukuumaddo soo saartay waxba ka tari mayaan, ee sicir bararka waxa keenaya lacagta faraha badan ee la soo daabaco, iyo daymaha faraha badan ee ay Xukuumaddii hore gashay,oo Xukuumaddii hore doolarkii wadanka yaalay ayey urursatay,in sicir bararka wax laga qabtaana wakhti bay qaadanaysaa, balse Dawladdii haddii ay xakamayso kharashkeeda sicir bararka xal baa loo helaya, laakiin haddii ay xakamayn weydo cid kale oo wax ka qabanaysaa ma jirto, Baankana cid ka hor taagan shaqadiisa ma jirto, ee si fiican shaqadiisa ha u qabsado, oo suuqa ha ka war hayo”.
Xildhibaan Askar bar uu ka hadlaayey Guddida loo saaray Sicir bararka ayaa yidhi “Dad aan cilmi iyo aqoon u lahayn dhaqaalaha ayaa dhaqaalihii ka hadlaya, oo loo xilsaaraya Guddina laga dhigaya,waxa loo baahan yahay dhaqaalo yahano, inay talo ka bixiyaan, laakiin Guddidan loo xil saaray sicir bararka maalinba waxay ku hadlayaan waxyaabaha ay dadweynaha caadiga ahi ku hadlaayey, oo ah waxan ha la xidho, kan ha la xakameeyo, dadku shilinkan ha isticmaalan, in sicirka la xakameeyana wuxuu u baahan yahay aqoon, Baankuna waa inuu shaqadiisa qabsadaa, Mushkiladuna maaha qaadka iyo lacagta baxaysa, laakiin muhiimadu waa inaad dhaqaalaha maamusho”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here