Xil-Suge: Muxuu Yahay? Geeska Afrika Staff Writer

0
684

Hargeysa(Geeska)-Digreetooyinkii u dambeeyay ee uu Madaxweyne Siilaanyo soo saaray waxa lagu arkay magac aan hore loo isticmaali jirin oo ah ‘Xil-suge’, kaas oo lagu dhinac qoro magaca masuul xukuumadda ka tirsanaa oo xilka laga qaaday.

Xul-suge ayaa dad badan oo reer Somaliland ah ku noqday yaab iyo amakaag, waxaana la isweydiinayaa xilka uu masuulkaasi sugayo, mar haddii xilkii horeba laga qaaday iyo waxyaabaha uu kaga duwanyahay muwaadiniinta kale ee reer Somaliland ee iyaguba u qalma inay qarankooda u shaqeeyaan.

 Xil-suge ayaa ah kelmad siyaasadeed oo ay madaxtooyada Somaliland u dejisay masuuliyiinta uu Madaxweynuhu xilka ka qaado, ka dib marka ay ku fashilmaan shaqada ay qaranka u hayaan, balse haddana aanay madaxtooyadu dano gaar ah dartood uga maarmi karin.

Xil-suge, marka xilka laga qaado balse magacan loo bixiyo, wuxuu qaadanayaa mushaharkii uu qaadan jiray markii uu xilka hayay oo aan laga jarayn, sababtuna waa dan shakhsi ah oo siyaasadeed ee xil-suge mushaharka uma qaato dan qaranku leeyahay. Sidaas marka ay tahayna waa qof isagoon qaranka u shaqaynin haddana ka qaata mushahar dhawr kun oo dollar ah.

Tirada xil-sugayasha ayaa muddooyinkan dambe aad u badan, waxaanay dadka Madaxweyne Siilaanyo aqoonta durugsan u lihi tilmaamayaan, in khaanadan xil-suge la sameeyay, ka dib markii ay tirada ka bateen ‘la taliye’ oo isna ahaa darajo la siiyo masuuliyiinta uu Madaxweynuhu xilka ka qaado.

Marka dhinaca dhaqaalaha laga eego, waa culays oo qaranku ma qaadi karo mushahar dhawr kun oo dollar oo ah ay qaataan rag badan oo aan qaranka u shaqaynin, waana mushaharkii loogu dari lahaa shaqaalaha kala duwan ee Somaliland ee habeen iyo maalin qaranka u shaqeeya. Waana ku ceeb in madaxweyne Siilaanyo uu ogolaado inay mushahar baaxadaas leeg ay dano gaar ah dartood u qaataan dad uu xilka ka qaaday markii ay ku fashilmeen shaqadii loo diray ee ay qaranka u hayeen.

Ragga loo bixiyay sil-suge; iyaga laftooda, waa ku magac xumo iyo sharaf dil, waxaana la gudboon inay aqoontooda iyo kartidooda ku raadsadaan mushaharka ay qaadanayaan iyagoon umadda u shaqaynin.