Wasiir Cadami Oo Ka Hadlay Weerarkii Lagu Qaaday Sanaadiiqda Diiwaangelinta

0
521

Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Wasaaradda Gaashandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Caddami ayaa nasiib daro ku tilmaamay dhibaatadii dhawaan ka dhacday deegaanka Sabawanaag, oo keentay in la weeraro goob ay ka dhacaysay Diiwaangelintu, waxaanu sheegay in arintani ugub ku tahay Somaliland waxaanu soo jeediyey in aanay mar dambe dhicin.

1

Wasiirka, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay dhexdhexaadnimada Dawladda Turkiga ee wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, waxaanu ugu baaqay inuu Turkigu mar walba dhex u ahaado Somaliland iyo Somaliya, waxaanu yidhi isaga oo arimahan ka hadlaya sidan "Waa nasiibo daro iyadoo abaaro iyo dhibaatooyin taagan yihiin oo waxa ina haysta ALLE og yahay,oo Komishankuna wakhtigii u sameeyey Diiwaangelinta, hawshii Diiwaangelintana uu wado, oo goobihii Diiwaangelintana sanaadiiqdii la geeyey, in dhibaato  intaas leeg ay ka dhalato hore inoomay soo marin, oo maynu lahaan jirin, marka Doorashada, Diiwaangelinta iyo meesha sanduuqa laga dhigayo wax laga wada tashaday weeye, arintana ugub ayey hadda noqotay, waana laga qurux badanyahay in Adduunka dibaddu maqlo, oo la yidhaahdo Sanaadiiqdii baa la isku qabsaday meeshii la dhigi lahaa, codkaasi cid buu cod yahay, waana uu imanaya, sanduuqna danbi  leh, oo isagu hadli maayo oo iga daa ma leh, meeshii la isku hayo, ee halka ay raacsiisantahay la isku hayo, oo hadal ka joogo, waxa la odhan karaa cid walba cidii ay doonayso ayey codkeeda siinaysaa, deegaankiina uu noqonayaa.

Dhibaatadan dhacday in daris laga qaato ayaanu jecel ahay, si nabadgalyo ahna wey iskaga dhamaaanaysaa, Ciidamada iyo dadka nabadgalyada ilaaliyaana waa damqasho dalka ah iyo masuuliyada xilka saaran oo ay gudunayaan ayey amaanka u sugayaan, ee dhibaato kale ma jirto, waxaana ku talinayaa in arimahaas oo kale dib inoola soo gudbin”.

Wasiir Caddami ayaa mar aanu wax ka weydiinay in sidan oo kale la isku qabsaday wakhtigii uu ahaa Komishanka iyo waxa ay ku talin jireen haddii ay arimahan oo kale dhacaan waxa uu ku jawaabay “"Wakhtigaygii arintani  may jirin oo maanu maqal sanaaduuq la isku qabsado, buuq iyo xoog la isku adeegsado, barigaana waxaasi may jirin, ee meesha khilaaf ka yimaado ee aanu aragno in la lagu heshiin waayo, oo Wasaaradda Arrimaha Guddu caddeyn kari weydo meesha la isku haysto deegaanka ay raacsiisan tahay, iyada oo deegaankii la khasaarayn maayo ee iyada oo madax banaan baa laga codeyn jiray, oo dadkii joogay cida ay u bataan ayey codkooda siin jireen, qof kasta xisbiga iyo cida uu rabo ee uu ku kalsoon yahay ayuu codka ugu ridayaa, codkiina xisbi kasta inta uu ka helo ayuu leeyahay, Wasaaradda arrimaha gudaha ayaana waajibka sugida deegaanka iska leh, haddii ay caddeyn weydana waxa uu deegaankaasi noqonaya deegaan madax banaan”.

Wasiir Caddami ayaa mar wax laga weydiiyay dhex-dhexaadnimada Turkiga ee wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ayaa yidhi “Turkigu waa dawlad weyn oo qiimaheeda leh, oo aanay cidina quudhsan kari weeye, waxaana Turkiga looga baahan yahay inuu dhex dhexaad ka yahay arimaha wada hadalada Somaliland iyo Somaliya”