“Xil Ka Qaadistaydii Looma Marin Milgihii Ay Lahayd”

0
597

Picture5Hargeysa(Geeska):-Guddoomiyahii hore ee maxkamada sare ee Somaliland Md.Yuusuf Ismaaciil Cali, oo dhawaan madaxweyne Siilaanyo ka qaaday xilkaas, ayaa sheegay in qaabkii loo maray xil ka qaadistiisii ay ahayd mid aan ku haboonayn sharafta iyo karaamada uu leeyahay guddoomiyaha maxkamada sare, waxaana uu sheegay in aan garsoorka lala jeclaan waxyaabo karaamo la’aan ku ah, waxaana uu sida oo kale sheegay in uu madaxweyne Siilaanyo ka hor iscasilaadisii u soo bandhigay in haddii aanu ku qanacsanayn wada-shaqeyntiisa uu isagu is casilo basle aanu madaxweynahu waxba u sheegin.

Md.Yuusuf Ismaaciil Cali, ayaa hadalkan ka sheegay mar uu ka hadlaayey munaasibad uu xilka maxkamadaas ugu wareejinaayey guddoomiyaha cusub ee maxkamadaas Pro.Aadan Xaaji Cali.

"Anigu shakhsi ahaan ma ihi qof xil jecel guddoomiye ahaan, waxaanan leeyahay layma marin milgahii ay lahayd aniga oo ku hadlaaya xilka iyo sharafta ay lahayd ama uu huwen yahay dastuurka ee qofka kolba gashan shaadhka guddoomiyaha maxkamada sare, waxaa kale oo qofka guddoomiyaha ahi uu gashan yahay shaadhkii maxkamada dastuuriga ah, waxaa kale oo uu gashan yahay shaadhkii maxkamada sare iyo cadaalada ee madaxda qaranka la rabo marka ay dastuurka jabiyaan, marka ay khiyaamo qaran sameeyaan in la saaro, waayo sharcigeenu maaha oo qudha in dadka danyarta ah uun la xukumo, waa in uu xukumi karaa madaxda ugu saraysa ee qaranka oo dastuurku waa ammaano ay umaddu leedahay, waxaan filayaa in madaxweyne Cigaal cid ka adkayd in aanay inna soo marayn inta joogta imika, markii aniga oo guddoomiye maxkamad gobal ah oo la ii bedelay Berbera la yidhi sidan iyo sidan ayaa uu sameeyey, nin ragii ka mid ayaa madaxweynaha ku yidhi ninkaa ma ku horkeena madaxweyne, waa uu ka aqbalay waanu kulanay, wax Allaale iyo waxaa la soo sheegay waxaa ay ahaayeen inan yar oo yidhi 18gaadhi oo kuwa fadhi Sucuudiga ah ayaa dekada lagala baxay iyaga oo aan la cashuurin.”.Ayuu yidhi Md.Yuusuf Ismaaciil Cali.

Md.Yuusuf Ismaaciil Cali oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu yidhi:“Waxaa arrinkaa la sugay oo la oggaaday muddo Lix bilood ah, aniguna toban saacadood ayaan ku oggaaday in aan kiiskaasi wax jiraba aanu ahayn, dad madax ahaa oo markaa lo soo xidhayna xafiisyadiinii iyo dekadiinii ku noqda ayaan ku idhi, anigu deedna markii aan madaxweynaha u sharaxnay arrintii waxaa aan kala kulmay markii cid loo diray meeshii in ninka Maxamuud la yidhaahdo uu go'aamiyey iska daaba waxa lala baxsadee aanay xataa soo xidhanba markab siday, deedna madaxweyne Cigaal markii ay sidaasi dhacday ayaanu hadana kulanay, waxaa uu igu yidhi maxaan kuu qabtaa?, waxaana ku idhi waxba aniga ha ii qaban ee garsoorka ayaa wax u qabasho u baahanee wax u qabo, oo marka wax dhagtaa laguugu sheego aniga oo magacii garsoorka ku hadlaaya dhegtaa kale nala sug.”.

Guddoomiyahii hore ee maxkamada sare ee Somaliland Md.Yuusuf Ismaaciil Cali, waxaa uu ka hadlay mar uu madaxweyne Siilaanyo uu u bandhigay in uu wakhtiga uu doonaayo iska casilo xilka.

“Maanta madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland-na sidaas ayaan leeyahay, waanan ku idhi oo waxaan idhi haddii aad garan weydo xilka aad ii magacawday madaxweyne, kugu qaadan mayso wakhti fara badan, kaa qaadan mayso juhdi fara badan, aday kugu xidhan tahay anigay igu xidhan tahay, sharafbaan kuugu hayaa, waxaad ii sheegtaa oo kaliya in aanad wada shaqaynteenii la dhacsanayn oo aniga ayaa markaa iscasilaada qoraayee oo maaha garsoorka in lala jeclaado waan eryey iyo karaamo la'aane.".Ayuu yidhi Md.Yuusuf Ismaaciil Cali.

Md.Yuusug Ismaaciil Cali, waxaa uu sida oo kale kula dardaarmay madaxweyne Siilaanyo in aanu soo dhex galin shaqada u dhaxaysa garsoorka iyo dadweynaha."Aniga haddii cabasho xaga shaqada ahi iga timi, xaaji Cabdikariim kalmad ayuu beri yidhi xiligii madaxweynaha uu ahaa marxuum Cigaal ha innagu soo faruurin cabashada dadweynaha oo halkan madaxtooyada ayey dadku soo gali doonaanee, garsoorka iyo dadku isaga ayaa is ogal ee ha fara galin, taana waan leeyahay oo waxaan leeyahay waa kalmad jirta".Ayuu yidhi Md.Yuusuf Ismaaciil Cali.