XiIdhibaan Waddani Ah Oo Sheegay Inay Golaha Hor Keeni Doonaan Mooshin Ka Dhan Ah Qunsuliyadda Turkiga Ee Somaliland

0
667

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac  (Cabdiraxmaan Xoog),  oo ka mid ah Mudaneyaasha golaha  Wakiillada, ayaa Xukuumadda talada haysa ee Madaxweyne Axmed-Siilaanyo u soo jeediyay inay dalka ka saarto qunsulka dawladda Turkiga u fadhiya Hargaysa, taasoo uu sabab uga dhigay hadalka ka soo yeedhay dawladdiisa ee ah inaanay ogolayn Baasaaboorka Somaliland.

www

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jamaac (Cabdiraxmaan Xoog) oo u waramaya warbaahinta ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inaanu garanayn sababta ay Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo uga habraanayso qunsulka  Hargaysa fadhiya ee dalka Turkiga ee iska indho-tirray madax-banaanida Jamhuuriyadda Somaliland,  waxaanu tilmaamay in golaha Wakiillada la horkeen doono  Mooshin ka dhan ah Qunsulka dawladda Turkiga u jooga Somaliland, waxaanu yidhi isaga oo arimahan ka hadlaya  “Waxaanu leenahay safiirka Soomaaliya ee Turkiga  Baasaaboor-ka Somaliland  ID  Card maaha, la garan maayo Xukuumaddan hogaankeeddii meel uu ku maqan yahay iyo sababta ay uga habrannayso dawladda Turkiga ee dafirtay qarankan jiritaankiisa, Dawladda  Turkigu   haddii  aanay Somaliland aqoonsanayn annagaa is aqoonsan, Aqoonsina  ugama baahnin ee iyadu (Turkigu), rebshadaha ka dhax taagan iyo inqilaabyada ha ku mashquusho, Dawladda Turkigu haddii aannay aqoonsanayn Baasaboorka Somaliland haka baxaan dalka Somaliland, qunsuliyadna halkan (Hargaysa), uga furnaan mayso, Golaha Wakiilladana mooshin ayaanu keeni doonnaa oo dalka ayaannu ka saari doonnaa” Ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog waxa kale oo uu ka hadlay Mashruuca maal-gelinta Dekedda berbera, isagoo tilmaamay inaanay diiddanayn in la Maal-geliyo Dekedda, balse ay Xukuumadda uga fadhiyaan inay caddayso isla markaanna ummada u soo bandhigto Heshiiska ay la gashay Shirkadda DP World.

 “Annagu ma  diidanin in Dekeda la horumariyo oo la Maal-gashado balse waa in Xukuumaddu ay ka dhigtaa wax Daah-furan oo cad Heshiiska ay la gashay Dubai World, Xukuumaddu waxan ay qarinnaysaana tuhun badan ayuu keenay oo Xaqul qallinka uu sheegay Wasiirka Arrimaha dibaddu waxa aan u qaatay Laaluush, Xaqul qallin side looga qaataa Maal-gelin? Haddana waxay leeyihiin waxaanu samaynaynaa Maal-gelin, ma saxeexa Madaxweynaha ayay iibinayaan, haddii dan qaran laga shaqaynayo Xaqul qallin lama qaateen, Xaqul  qalinka aad soo qaadateena waa Hanti  qaran in aad cuntaana maaha, lacagtaasi waa inay gashaa Wadooyinka  burbursan”

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Waxaa  la yidhi heshiiskii xukuumadu la gashay shirkada DP World   golaha Wakiiladda ayaa la keenayaa oo golaha wasiirraduna way  ansixiyeen   Waxaana  igu maqaalo ah in naloo keenayo qoraal is-faham oo xukuumada  iyo DP World u dhaxeeya, Caalamka  lama arag  baarlamaan  qoraal is-faham la keeno waxa la doonayaa in golaha la keeno heshiiskii dhabta ahaa,  waxaana  la sheegayaa in aan heshiiskii dhabta ahaa  Xukuumadda la siinin    oo lagu aamini waayay, Ilaa  ay noo keenaan heshiiskii dhabta ahna  wax  aanu Ansixinaynaa ma jirto, Waananu  qaadaa-dhigaynaa oo waanu  ka doodaynaa,   qaladaadkiisana waanu  soo bandhigaynaa. Waxaanan  shacabka Somaliland u balan-qaadaynaa in aanu wax ka bedel iyo kaabis ku samayno heshiiska DP World, gacan taag iyo duuduub  ma jiro, Waxaana  la is-waydiinayaa maxaa  ay inoo soo kordhinaysaa in konton sano shirkad ajanabi ahi dekeda Berbera la wareegto”