“Xeerkan Na Horyaala, Waa Xeer Culayskiisa Wata Oo Aan Socon Doonin Iyada Oo Dastuurka La Furo Mooye”

0
639

Xildhibaan Cabdiraxmaan-Xoog

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Cabdiraxmaan Xoog), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa sheegay in Xeerka Doorashada ee Golahooda horyaala yahay Xeerar badan oo culayskooda wata, madaama uu xusay in Xeerkani aanu gaar u ahayn Doorashada Wakiilada oo qudha.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Cabdiraxmaan Xoog), oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika,ayaa sidoo kale ka hadlay kulankii dhawaan dhexmaray Golaha Guuritda iyo Guddida Doorashooyinka, waxanau ugu horeyn uu yidhi isagoo ka hadlaya Xeerka Doorashada ee Golahooda hor yaala “Xeerka Doorashada ee Golaha horyaala, maaha Xeer u gaar ah Doorashada Wakiilada, ee waa Xeerar badan oo la isku keenay, lagana dhigay Xeerka Doorashada guud, waxaa ku jira Xeerka Doorashada Wakiilada, Xeerka Doorashada Deegaanka, Diiwanagelinta codbixiyayaasha, kootada haweenka, diiwaangelinta codbixiyayaasha iyo qodobo kale, xeer kastaana in sidiisa loo galo ayey u baahnayd, maxaa yeelay waxaa yeelay Xeerkan laga dhigay Doorashada guud, waxaa ku jira qodobo badan oo u baahan in Dastuurka loo furo,si loo meel mariyo, sidaas oo ay tahay Xeerkan na  hor yaala, waa xeer culayskii wata oo aan socon doonin iyada oo Dastuurka la furo mooye,markaas haddii la rabo inuu meel maro waa in Dastuurka la furaa”.

Mar uu ka hadlaayey kulankii dhexmaray Komishanka iyo Golaha Guurtida ayaa yidhi “Oodo dhamceed siday u kala sareeyaan ayaa loo kala guraa, ee Wareysi aan hore u siiyey Wargeyska Geeska Afrika, ayaan hore ugu sheegay in iyada oo lix qodob la fuliyo mooye, in aanay Doorasho dhacaynin , waxaana lixdaas qodob ka mid ahaa in Komishankan la bedelo, in tirikoobkii codbixiyaayaasha iyo diiwaangelintoodii la sameeyo, in kala xadaynta Gobolada iyo Degmooyinka la sameeyo, in saami-qaybisigii kuraasta Wakiilada la sameeyo  iyo in la helo kharashkii Doorashada ee inagaga xidhnaa Wadamada Doorashada inaga caawiya, taas oo ku imanaysa in saddexda Xisbi heshiis ahaadan, dabacan sida aan ka war qabana Komishanku wuxuu si rasmiya u sheegay in aanay Doorasho ku dhici doonin wakhtigaas loo muddeeyey, markaas Komishankan waxaa ku haboon inay is casilaan, oo ay meesha ka tagaan, waxaana xaqiiqo ah in Xisbiga Waddani doorashada diyaar u yahay haddii Komishankan meesha laga saaro, maxaa yeelay Komishan uu hore Kulmiye u diiday, suurtagal maaha in Waddan-ina ogolaado, oo waxaynu ka war haynay in Xukuumaddii Daahir Rayaale inuu cadaalada daro ka tirsaday Kulmiye Komishankii wakhtigaas joogay, sidaas darteedna la bedelay, taas ayuuna Xisbiga Waddani uu maanta taagan yahay”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here