Xeerka Baananka Oo Buuq Iyo Sawaxan Ka Abuuray Fadhigii Shalay Ee Golaha Wakiilada

0
586

Hargeysa (Geeska)-Kal-fadhigii Golaha Wakiilada, oo shalay dib u furmay, ayaa waxa hadheeyey buuq iyo sawaxan, kadib markii ajandaha kal-fadhiga 33aad lagu soo daray Xeerka Ganacsiga Bananka, oo muran iyo khilaaf hore dhaliyey, kaas keenay in la baajiyo kadib markii Culimadu sheegtay inay ribo ku jirto, Diinta Islaamkuna aanay raali ka ahayn.

Kal-fadhigan oo uu Shir guddoominaayey Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax, ayaa Xildhibaanada u sheegay in anjadahan uu ku jiro Xeerka Ganacsiga Baananka, waxaanu yidhi “Mudanayaal maanta (shalay), waxaynu u balansanayn kal-fadhiga 33aad, hal qodob baa ku jira oo ah qodobka siddeedaad, ee ka hadlaya baanka ganacsiga, masaajidada ayaa ilaa shalay laga akhriyayey, xeer la keenay oo la ansixinayaana ma jiro, laakiin wuxuu ku jiray ajanidihii lama ansixinayo ilaa lagala tashado Culimada”.

Intaas kadib waxa kalfadhigu ka dhacay buuq iyo sawaxan ay qaar ka mid ah Xildhibaanadu ku diidan yihiin in xeerka meesha laga saaro, sidaas oo ay tahayna ugu dambeyntii codkii loo qaaday ayaa lagu ansixiyey in qodobkani ku jiro anjaha kal-fadhigan, waxaana ogolaaday 26 Xildihbaan, 11 Xildhibaan wey diideen, 5 Xildhibaana way ka aamuseen, sidaas ayaanu ku ansaxay. 

Xildhibaan Maxamed  Xuseen Xaaji Ciise, oo isagu ka mid ah Xildhibaanada ka soo hor jeeda Xeerkan Baananka Ganacsiga kuna tilmaamay inay xaaran iyo dambi tahay in la ansixiyo wax walba oo ka soo horjeeda Shareecada Diinta Islaamka.

 Dhanka kale Kalfadhigii Shalay oo ay joogeen qaar ka mid ah Culimada dalka, markii uu Kal-fadhigu dhammaadayna kulan gaar ah kala yeeshay arinta Baananka Ganacsiga Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Wakiilada Baashe Maxamed Faarax, ayaa kulankaasi markii uu dhammaaday waxa Warbaahinta la hadlay Sheekh Maxamed Axmed Faarax Isxaaq, waxaanu sheegay guud ahaan ribadu ay dambi tahay, ILLAAHAYNA aanu raali ka ahayn, waxaanu tilmaamay in ALLE quraankiisa ku yidhi balan qaadayna in cid walba oo ribo isticmaasha ay ALLE iyo Rasuulku dagaal la gali doonaan, waxaanu Xildhibaanada uga digay inay ansixiyaan xeerkan.

Dhinaca Kale Guddoomiye ku xigeenka Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax, ayaa kulanka Culimada kadib wuxuu sheegay in xeerkan aan la ansixin doonin iyadoo aan loo soo bandhigin Culimada, waxanau tilmaamay inay Culimada iska arkayaan.