Xeer Ilaaliyaha Oo Soo Saaray Wareegto Dambi Saaraysa Odayaasha Farogeliya Kufsiga

12
797

Picture5Hargeysa (Geeska) – Ku Xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee Soamliland, ahna ku simaha xeer ilaaliyaha Aaden Axmed Muuse, oo shalay Geeska Afrika iyo qaar ka mid ah saxaafadda ugu waramay xafiiskiisa Hargeysa, ayaa sheegay inuu soo saaray wareegto dambiilayaal ka dhigaysa odayaal dhaqameedka farogaliya kiisaska kufsiga ah.

Ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Somaliland, waxa uu sheegay in wareegtadani dambiile ka dhigayso ciddii isku dayda inay heshiis ama dhexdhexaad ka gasho kiisaska la xidhiidha kufsi wadareedka oo bilihii u dambeeyay dalka ku soo badanaya.

Xeer ilaaliyaha oo sharaxaya wareegtadaasi ayaa hadalkkiisa ku bilaabay “Waxaan soo saaray inta aan xafiiska joogay (aan ku simaha) wareegto, ka dib markii aanu aragnay inuu soo batay kufsi wadareedku, markii hore sharcigu kufsiga laba ayuu ka dhigayey oo mid waxa uu ahaa kii xod-xodashada ahaa, midna kufsigii caadiga ahaa, kufsiga waxaynu ku naqaanay qof gabadh kufsada, laakiin 10 qof waxay noqonayso arin mucjiso ah oo adag, markaa si aanu u adkayno dambi ahaan iyo ciqaab ahaanba, waxaanu ku darnay laba qodob oo isla xeerka ciqaabta ah, inay marka hore kooxdaasi noqdaan koox ku midaysan inay dambi galaan iyo in lagu daro wixii dhaawac ah ee ay qofka dumarka ah gaadhsiiyaan iyo kufsigii saddex ku noqonayo, saddexaad qodob la isugu daro oo lagu mideeyo ayaanu ku waajibinay”

Xeer ilaaliye ku xigeenka guud ee qaranka Somaliland, waxa kale oo uu sheegay “Waxa kale oo aanu samaynay si aanu uga hortagno odayaasha dhaqanka ee sameeya heshiisyada, ugana xanibno kufsi wadareedka (inay xeer jajab ku dhameeyaan), oo haddii cid isku daydu inay dhexdhexaadin ka gasho ama heshiis la galo ama wax la kala qaato, in iyaga laftooda lagu eedeeyo dhiirigalin dambi oo ay dhalinyarada dhiirigalinayaan” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray inay qoladii ugu horeysay ku fuliyeen “Qoladii ugu horeysayna waanagii ku socodsiinay ee ahayd 18-ka qof, waxaana lagu xukumay min 10 sanadood”

Comments are closed.