Cabdillaahi-Jawaan Oo Siyaasiyiinta Dalka Ugu Baaqay Inaanay Luuqadoodu Midnimada Shacabka Kala Fogayn

8
603

Picture6Hargeysa(Geeska)-Siyaasiga caanka ah ee Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar (Jawaan), ayaa mucaaradka iyo muxaafidkaba u soo jeediyay inay hadaladoodu noqdaan kuwo xoojinaya midnimada iyo isku duubnimada qaranka balse aanu noqonin hadal bulshada kala fogeeya.

Cabdillaahi-Jawaan, oo shalay waraysi gaar ah uu la yeeshay Geeska Afrika, wuxuu dhaliilay sida ay siyaasiyiinta kala duwan ee dalku isugu jawaabaan, waxaanu ka digay in hadaladaasi ay dalka midnimadiisa wiiqi karaan. Waraysigaasina wuxuu u dhacay sidan:

Ugu horayntii waxaanu siyaasigan waydiinay bal sida uu u arko xaalada dalka haatan iyo waxa uu ka odhan karo?

Runtii anigu in lix sanadood ku dhaw ayaan dalka ka maqnaa haddana wakhti yar ayaan joogay intaasba waxaan qiimaynaayay xaalada dalka iyo kor u kaca uu gaadhay, Alle ayaa mahad leh maanta heerka u sareeya ee nabad galyada ayaynu gaadhnay,miisaaniyadii waxa laga yaaba in aynu maanta ka sarayno dalal Afrikaan ah oo maanta la aqoonsan yahay 240 milyan oo dolar ayay miisaaniyada maanta dalka loo sameeyay ay maraysaa.

Waxaan doonayay siyaasada inaan ka hadlo oo runtii waa dabiici in ay murano ka dhashaan maadaama oo loolan jiro  waa lays dhaliilaa oo ninka mucaaradka ah waxa uu eegaa inta badan dal daloolada ninka xilka haya,laakiin inaga dhaqankeenii reer miyiga ahaa ayaa inta badan ina jiita waynu ku talax tagnaa marka dhaliilo laga hadlaayo,waxa aad arkaysaa iyada oo qofkii la dhaliilayo oo lagu dhaliilayo wax dalkii ka soo hor jeeda dadka qaar baa odhanaaya aduunka dalka ugu liita ayaynu nahay, aniguna taas ma qabo, waayo waxaan xasuustaa maalintii aynu qabsanay dalkan ee aan Somaliland lagu dhawaaqin Hargeysa gal galin cidla ah ayay ahayd waxaanu ku muranay meesha magaalo la degaa kuma taalee meel loo daawasho yimaado oo la yidhaahdo  waabay caasimad ahaan jirtay ha laga dhigo,waxaana nagu simi waayay dadkii oo midba meeshuu deganaa iska yimi mid ood ku wareejista iyo mid dhismayaasha dunsan iska hoos galaba,heerkaasbaynu gaadhnay runtii,waxaan taas uga jeedaa waxay maanta Hargeysi la tartamaysaa caasimadaha Afrika waa uu koray dadkii oo waliba waxyaabahii gaarka loo lahaa way koreen, waxa taas keenay nabada,dimuqraadiyada aynu qaadnay iyo degenaashaha,waxaan ka waani’nayaa siyaasiyiinta mucaarad iyo muxaafidba iyada oo loolanku jiro inay samaystaan meel aanay dhaafi karin waa in layska jiraa waxii nabada iyo sumcada dalkan khalkhal galin kara,taas waxaan uga jeedaa in mucaaradku uu sheego uun waxii inaga  dhiman oo aanu u aanayan beel gaar ah, musuq qofka lagu eedeeyaa waa in cadayn loo hayaa waayo waxay arintu saamaynaysaa dalka oo la odhanyaa waa dal musuq ka jiro,waxana waa la turjumayaa oo dhamaan wadamada reer galbeedku qaybo dabagal ayay leeyahiin oo xogaha u kaydiya waxan aynu ku hadlaynaana way kaydsanayaan oo dalka ayay dhaawacayaan,siyaasiyiinta mucaaradka ahna waxaan kula talinayaa in xadka loogu talo galay ay ku eekaadaan,xadkaasuna waxa weeyeen in aan waxii qabiil loo aanayan madaxweynaha ama wasiir in reer lagu riixaa waa ceeb.

Wakhti badan ayaad siyaasada ku soo dhex jirtay sideed u aragtaa hoggaaminta madaxweyne Axmed Siilaayo oo mucaaradku haatan ay aad u dhaliilaan?

Hoggaamintu awr faruurta laga xidhaayo oo la qabanaayo maaha,  hoggaamintu waxay ku xidhantahay marka qofka xil loo dhiibo sida uu u qabto, Axmed Maxamed Siilaanyo markii  uu xilka qabtay balamo ayuu qaaday balamiina badankoodii waa ay fuleen, waxa ka mid ah lacagii bariga oo waa uu badalay,shaqaalahii mushaharkii waa loo kordhiyay,tacliintii dugsiyada dhexe bilaashbuu ka dhigay waanu balan qaaday marka horeba,ciidamada waxa uu sheegay inuu darajada siinaayo waanu siiyay oo waa ay dhaqan gashay markaas waxaasiba waxay galayaan hoggaaminta dalkana mashaariic badan ayaa laga sameeyay oo aan hore u jiri jirin oo wadooyinku ka mid yahiin,waanay jiraan meelo dhaliilo ka jiraan.

Mucaarad iyo muxaafidba maxaad kula talin lahayd?

Mucaarad iyo muxaafidba waxaan talo ugu soo jeedin lahaa in ;ays dhagaysto oo la wada hadlo in laysku qanciyo wada hadalka,waxaan leeyahay waxii qarankan ka qaloocda waxii lagu toosinayaa yaanu qalooc weyn ina sii galin, oo haddii adiga oo wax saxaaya aad xumaan ka weyn samayso waxyeelo ayay keenaysaa. waxaan maqlayay koran korbaa dalkii ku dhalatay iyo shini caydh ah iyo wax sidaas ah aad baa dhaliishii loogu talax tagay,markaas waxaan leeyahay si aan qarankan laf jab ku ahayn oo aan xidhiidhkeena gudaha xumaynayn iyo wada noolaanshaha wax haloo dhaliilo,xukuumaduna mucaaradkeeda ha dhagaysato ragani karaamo ayay leeyahiin oo dalka ayay u soo halgameen ee rayigooda wanaagsan ha qaadato,laakiin isku laad laad iyo adna kaa dheh adna kaga naxi dani umadda uguma jirto,waxii inaga qaldan waynu wada saxno dhamaanteen.xisbiyaduna xafiisyadooda iyo meelahaas ha ka hadleen oo barnaamijkooda dadka ha ka dhaadhiciyaan xukuumaduna yaanay ka didin.

Waxa jira xeer cashuur dheeraad ah ku waajibnaaya xoolaha iyo gaadiidka oo mucaaradka iyo bulshaduba ay ka qaylisay sidaad adigu u aragtaa?

Cashuurtu waa qaadhaanki qaranka oo wax weyna maaha waxan la saaray xoolaha markii hore xoogaabay xukuumadu kordhinaysay laakiin baarlamaanka oo xaq u leh ayaa wax badan ka jaf jafay hadana waxa buuran maaha, in xeerarkii dalka dhaqaalaha loogu samaynaayay siyaasad laysku shaabuugaynaayo loo rogana maaha,waayo meelkasta oo madaxweynahu tago waxa la leeyahay wado hanaloo dhiso,markaad doonayso wado in laguu dhiso waa inaad dhaqaalaha baxiso ileen la soo boobi maayo markaad cashurta baxisana waa waa jibaad iyo xuquuq oo xuquuqdaada ayaad helaysaa,mar haddii baarlamaanku ansaxiyeen madaxweynuuna meelmariyay waa sharci,sharciguna yooyootan ma galo ninka mucaaradka ahnina mooshinbuu keeni karaa isaga oo xildhibaanada golaha ugu jira adeegsanaaya.

Ugu danbayntii sidaad u aragtaa dhalinyarada dalka ee hiyi kaca badan ku jiro, gaar ahaan dhinaca tahriibka?

Xukuumada shacabka iyo dadkuba waxay ka qayliyaan tahriibka caruurteenuna waa ay hiyokaceen,gudi ayaanu madaxweynuu u magacaabay waanu ku mahadsan yahay,laakiin anigu waxaan u arkaa in dhaliyarada uu eryaayo rajo beel niyadoodii galay,markaas waa in dhalinyarada dugsiyada sare ka soo baxa iyo kuwa jaamacadaha ka soo baxaba muhiimad la siiyaa marka shaqada qaranka la qaadanaayo,oo kan dibada ka imanaaya aan muhiimada la siin ee ka gudaha la siiyo,haddii ka gudaha ka soo baxa la waayo uun waa in la eegaa ka dibada ka soo baxa, markaas qofkii dhalinyarada ahaa shaqo ku haboon iyo nololba waa uu helayaa,gabadhiina way guursanaysaa laakiin marka uu halkaas iska taagnaado gabdhii waxy guursanayaan mid yar oo dibada ka yimi oo jeebka xoogay ku sita,markaas siday dhalinayrada kililka shanaad dhulkooda gacanta ugu hayaan dhalinyarada jaamacadaha dalka ka baxday madaxnimadana haloo barbaariyo shaqooyinkana iyaga hala siiyo,markaas qofku dalkiisa ayuu aaminayaa hadii kalena hiya kacaas ayuunbaa ku imanaaya,markaas markay arkaan in iyaga la qiimaynaayo oo shaqada la siinaayo oo kuwii  dibada ka yimi aan la qiimaynayan  ayay dalkooda aamini karaan.

Comments are closed.