Xayawaanka Sawirkan Ka Muuqdaa: Ma Bakaylaa, Ma Shimbir-Badeedbaa, Ma Labadoodii Oo Isku Jiraa, Mise Midna Ma’aha?

0
754

1Dubai (Geeska)- Dhowaanahan waxaa si xawli ah ugu faafayey bar-kulannadda bulsho ee internet ka meelo badan oo dunida ka mid ah, sawirka qormadan la socda oo la iska weydiinayo midka uu sax ku yahay su’aalaha cinwaanka qormadan la socda.

Ma’aha sawir iska caadi ah uun, sida bilowga uu qofka ula muuqan karo, mana’aha sawir hadda la sameeyey, ee waxa uu jiray muddo hadda laga joogo in ka badan boqol sano. Waxaana yaab leh in sida ay culimada cilminafsigu aaminsan yihiin uu sawirkani noqon karo hal-beeg lagu qiyaaso ama lagu garto shakhsiyadda qofka iyada oo loo eegayo hadba sida uu uga jawaabo su’aalaha cinwaanka u ah qormadan.

Marka aynu eegno sawirka iyo waxa marka ugu horreysa qofka eega maskaxdiisa ku soo dhici kara, Shimbir badeed iyo Bakayle midka uu yahay, iyo sidoo kale dhaqsaha uu qofku ku garan karo xawayaankan ayaa lagu qiyaasi karaa habka ay maskaxdiisu u shaqaynayso, iyo awoodda ay u leedahay jawaab celinta degdegga ah. Qormadan xiisaha gaarka ah leh oo uu Geeska Afrika afsoomaali u rogay waxaa lagu baahiyey wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa carriga Ingiriiska.

Sawirkan markii ugu horreysay oo ahayd sannadkii 1892kii ayaa lagu daabacay majallad ka soo bixi jirtay dalka Jarmalka, waxase uu sawirka caan noqday 117 sano ka hor oo ku beegnayd sannadkii 1899kii, markii caalimkii Maraykan ee cilminafsiga Joseph Jastrow uu u adeegsaday hal-beeg uu xujo uga dhigo aragtidiisii cilminafsi ee ahayd, “Caqligu sida indhaha ayaa uu wax u arkaa” taas oo uu ku xaqiijinayey in dadka hibada u leh hal-abuurka iyo curintu ay awoodaan in ay si sahlan u kala soocaan sawirrada isu eeg ama la isku qaldi karo. Sidoo kalana ay xayawaannada sawirradooda la is dhex geliyo ay si sahal ah oo weliba aad u dhaqso badan u kala saari karaan.

Sida uu Geeska Afrika ka soo xiganayo shabakadda Al-Carabiya, aragtidaas markii xilliyo kala duwan lagu tijaabiyey carruur natiijada soo baxday waa ay kala duwanaatay. Tusaale ahaan carruur sawirkan la tusay xilli lagu gudo jiray ciidda Kiristaanka ee Easter ka (Ciidda Qiyaama) waxa ay carruurtani markiiba la soo boodeen in sawirkan uu yahay bakayle, laakiin xilli lagu jiray bisha Oktoobar carruur la weydiiyey waxa ay la soo boodeen in uu yahay shimbir badeed.  Taas oo macnaheedu noqon karo hadba wixii xilligaa lagu jiro niyadda ku badan.

Bar-kulannada bulsho ee internet ka la eegana, dadku aragtiyo aad u kala duwan ayaa ay ka bixiyeen, oo qaarkood raynrayn iyo farxad abuurayaan, qaarkood u qaadan waa yihiin kuwana niyad jab kugu beerayaan, halka mararka qaarna la arkayo dad iyagu sawirkan qiimihiisaba yasaya, si kataba ha ahaato ee sawirku waxa uu kas baday kumannaan faallo iyo soo dhoweyn badan. Adigu maxaad u aragtaa? Fadlan jawaabtaada ku soo bixi barkulankayaga www.facebook/Googooska