Xasan Waraabacade Oo Ku Baaqay In Roog La Dhigo Garoonka Hargeysa

0
885

Picture4Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Olomibikada Qaranka Somaliland Xasan Xaaji Maxamed Cabdale (Xasan Waraabe Cadde), ayaa ku baaqay in Sanadkan gudihiisa la dhigo Rooga lagu ciyaaro kubada cagta Hargeysa Stadium, waxaanu sheegay in Lacag ay muddo ururinayeen oo dhan 20-kun oo Dollar ay u hayaan Garoonka si loogu dhigo Roog, waxaanu Bulshada kala duwan ee Somaliland iyo Xukuumaddaba ugu baaqay in la qurxiyo oo dib u habayn balaadhan lagu sameeyo Garoonka Qaranka ee Hargeysa Stadium.

Guddoomiyaha Olomibikada Qaranka Xasan Waraabe Cadde ayaa sidoo kale sheegay inay wadaan qorshihii Olomikada iyo Xidhiidhada kala duwan ee Ciyaaraha, isla markaana uu wado qorshe lagu horumar balaadhan loogu sameeynayo Ciyaaraha kala duwan ee dalka.

Guddoomiyaha Olomibikada Qaranka Xasan Xaaji Maxamed Cabdale (Xasan Waraabe Cadde), oo Wargeyska Geeska Afrika u waramaya ayaa yidhi “Garoonka Hargeysa  Stadium waa Garoonka Somaliland ugu balaadhan, waa Garoonkii Qaranka, waana muhiim in Roog la dhigo, afar sanno ka hor oo ku beegan 2010,  ilaa  Maanta ayaa aniga oo Guddoomiye  ka ah Urur Ciyaareed ka jira Norway  ayaa xus wallba oo 18-may ah, iyo dadaal dheer oo aanu sameeynay kadib waxa noo suurtagashay in aanu ka ururino 20-kun oo dollar, lacagtii waanu haynaa, lacagtaas waxa aanu u ururinay si Roog loogu dhiso Garoonka Hargeysa Stadium, si Garoonkeenu noqdo Garoon caalamiya, una dhigano Roog muddo dheer ina haya, oo aan kharash aad u buurani inagaga bixin, waxa aan maqlay in Xukuumaddu Miisaaniyada lacag ugu dartay Garoonka si Roog loo dhigo, aad iyo aad ayaan u soo dhaweeynayaa  arintaas, waxaana fiican in Sanadkan gudihiisa la  dhigo Rooga, si loogu ciyaaro Tartanka Koobka Gobolada iyo Ciyaaraha kaleba, cid kalena loo dooni maayo oo anaga ayaa soo baranaya sida loo dhigo,  xaqiiqdiina Rooga la dhigo Garoomada maaha mid aad u culus dadkuna maaha in fikrad khaldan ka aaminaan, waxa jira in aan anigu dhawaan Garoon aan leeyahay dhigay Roog, Garoonkaasi waa mid Bulshada u dhex ah, waa mid indhaha soo  jiidanaya, waxaana dhab ah in haddii Garoomada loo qurxiyo Dhalinyarada iyo Ciyaaryahanada in Dhalinyaradu aanay tahriibeeyn.

Xasan Waraabe Cadde oo hadalkiisa sii wata ayaa  yidhi “Waxaan Golaha Deegaanka Hargeysa iyo Maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan Solteco ku amaanaya  sida wanaagsan ee Degmo walba oo Hargeysa ka tirsan ay Garoomo uga dhisayaan,iyaga oo imika dhameeyey Garoonka kubada Cagta ee Xawaadle, oo aan aad u soo dhaweeynayo, waxa kale oo aan ku aamanaya sida wacan ee ay u bixiyeen Direyska kala duwan ee Ciyaaraha, waxa kale oo iyana u mahadnaqaya dalada dhalinyarada ee Sonyo, oo iyana Tartano qabtay, ”.

Guddoomiyaha Olomibikada Qaranka Xasan Waraabe Cadde oo ka hadlaya qorshihiisa cusub ee ciyaaraha ayaa yidhi ‘Hadda waxa aanu wadna qorshe aanu doonayno in aanu horumar balaadhan ku sameeyno Ciyaaraha kala duwan ee dalka, waxa aanu wadnaa xeerarkii kala duwanaa ee Ciyaaraha lagu hagaagayey iyo sidii Xidhiidhada kala duwan ee CIyaaruhu hawlahooda iyo waajibkooda  ka saaran ciyaaraha u gudun lahaayeen,waxaana aad ugu mahadnaqaya  Wasaaradda Ciyaaraha, Dhalinyarada iyo Dalxiiska oo masuuliyada aad u badan iska saartay Dhalinyarada iyo CIyaaraha, waajibkeeda  shaqana si fiican u gudanaysa”.