Hargeysa (Geeska)-Garoonka Kubada Cagta ee Dhalinta, gaar ahaan Garoonka gaarka u ah Carruurta Agoomaha ah, ee Dhalinta, ayaa laga baabiyey Garoonkii ay ku ciyaari jireen, iyada oo lagu wareejiyey Turki.
Caruurtan Agoomaha ah ee ku jira Xarunta Agoomaha ah ee Hargeysa, ayaa waxa ay sheegeen in dulmi iyo xaq daro lagu sameeyey, isla markaana Garoonkii qudha ee ay ku ciyaarayeen xoogaga lagaga wareejiyey, isla markaana lagu wareejiyey Turki, si looga dhigo goob Ganacsi.
Xamse Cali Yuusuf, oo isagu ka mid ah Carruurta ku jirta Xarunta Agoomaha ee Hargeysa, ee lagu wareejiyey Turkiga, ayaa sheegay in niyad jab lagu riday, oo Garoonkii qudha ee ay ku ciyaari jireen laga wareejiyey, oo Garoon ay hadda ku ciyaaraan aanu jirin,waxaanu yidhi “Waxa aanu leenahay laba Garoon, mid waxa naloo ogolaado oo qudha in aanu ku ciyaarno Todobaadkii hal maalin oo qudha, nasiib daro markii dambe se waa la noo diiday, Garoonkan ayaa hadda noo soo hadhay, Garoonkan oo aanu ku ciyaari jirnayna waa taas oo lagu wareejiyey Turki, oo goob Ganacsi ayuu isna ka dhigaynayna, waxayna arintani nagu ridaysa niyad jab iyo in aanu dalka ka tahriibno”.
Dhinaca kale Guddoomiyaha Olimbikada Qaranka Somaliland Xasan Maxamed Cabdillaahi (Xasan Waraabe Cadde), oo isna Garoonkan lagu wareejiyey Turkiga ka hadlay ayaa Xukuumadda Somaliland ka codsaday in goob kale loo raadiyo Turkiga oo Garoonka Agoomaha laga joojiyo, waxaanu yidhi “Carruurtan yar yar ee Agoomaha, eek u jira Xarunta Agoomaha ee Hargeysa, ILLAAHAY SWT ka sakow, ka masuul ah waa Xukuumadda, markaas in lagu dadaalo, oo wax walba loo qabto, ayaa wacan, laakiin in Garoonkii qudha ee ay ku ciyaarayeen, eeganayeena haddii laga wareejiyey, waa dhibaato iyo dayaca ku soo korodhay, anigu haddii aan ahay Guddoomiyaha Olimbikada Qaranka Somaliland waxa aan masuul ka ahay dhammaan Ciyaaraha kala duwan ee dalka, in Garooomada la ilaaliyaana waa ay haboon tahay, imika Turkiga waxa lagu wareejiyey Xalane, oo waxa Xalane ku yaalay dhawr Garoon oo Kubada lagu ciyaaro, sida aan maqlayna Dhalinyaradii ku ciyaari jirtay Garoonkaas markii ay weyday Garoon ay ku ciyaraan wey tahriibeen, markaas Dhalinyarada aynu ka ilaalino Tahriibka, oo aynu u ilaalino Garoomada iyo waxa ay ku ciyaarayaan”.
Dhinaca kale waxa ay Carruurtaas yar yar ee Agoomuhu noo sheegeen in Carruur badan oo Xaruntooda ka tirsanaa ay tahriibeen, oo haddii Garoonkooda loo soo celin waayo ay dantu ku qasbi doonto inay ka daba taagan.