Xasan Sheekh oo sheegay in dalkiisa loo dejinayo qorshe ay Somaliland qayb ka tahay

0
526

xasanHargeysa(Geeska)-Madaxweynaha dalka Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dawladiisu dejinayso qorshe cusub oo loogu magac daray National development plan kaas oo uu Jamhuuriyadda Somaliland ku soo daray maamul goboleedyada dalkiisa ka dhisan.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu habeen hore  Magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya ku xidhay shirkii lagaga hadlayay Barnaamijka New Deal Ee Hiigsiga Cusub, kaas oo ay goob joog ka ahaayeen madaxweynayaasha maamulada gobaladiisa dalka Somaliya. Wuxuu Xasan Sheekh si indho isku qabad ah u sheegay in la diyaarinayo qorshe cusub oo bedeli doona mashruuca loogu yeedho New Deal oo ku eeg sannadka 2016, kaas oo ay Somaliland qayb ka tahay  “New deal 2013 ayaa la soo sameeyay, saddex sanno ayuu ahaa oo 2016 ayuu ku eegyahay. 2016 ka dib waxaan samaysanaynaa national development plan, hadduu samaysmayaa waa la wadaa, Puntland hore ayay u lahayd.” ayuu yidhi Xasan, waxaanu intaas raaciyay “Qorshe qaran oo dalkoo dhami leeyahay oo horumarka dalka ka hadlaya weeye, oo degmo kasta iyo gobal kasta iyo dawlad kasta waxeedii ay ku jiraan oo ku cadyihiin oo xataa ay Somaliland ku jirto.” ayuu yidhi Xasan Sheekh.

Wuxuu sheegay in qorshahan cusub uu noqonayo mid horumar, waxase uu Xasan Sheekh iska indho tirayaa inay dawladda Somaliland leedahay qorshe horumarineed oo ka horeeyay qorshihiisan hadda la yagleelayo.

ynaynaa".

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayaa mar uu ka hadlaayey in ilaa hadda Xukuumaddu sameeyn xeerka Qaxoontiga ayaa yidhi "Anagu waanu sameeyn karnaa, awoodaas waanu haysanaa in aanu sharucuuda sameeyno, hasa yeeshe waxa haboon inay nagaga timaado dhinaca Xukuumadda, gaar ahaan Wasaaraddaha ay khuseeyso"