Xasan Sheekh Oo Ka Hadlay Xaaladiisa Caafimaadka

0
536

madaxdaHargeysa(Geeska/BBC)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa markii u horeysay ka hadlay baadhitaanka Caafimaad uu u tagay dalka Jarmalka, isagoo sheegay in xaaladiisa caafimaad ay aad u wanaagsan tahay.

Wareysi uu siiyay Madaxweynuhu laanta afka Soomaaliga ee BBC-da, isagoo ku sugan dalka Jarmalka ayuu sheegay in saddexdii sano ee uu xilka hayay aanu fursad u helin inuu baaritaan caafimaad uu sameeyo. “Jarmalka waxaa u imid baadhitaan caafimaad, saddexdii sano ee aan Madaxweynaha ahaa fursad uma helin inaan baaritaan caafimaad isku sameeyo, dhowaan dalka ayaa ku noqonayaa waa soo gaba gabeynayaa, marka da’da oo kale la gaadhana waa daruuri in baadhitaan caafimaad la sameeyo.”ayuu yidhi Madaxweyne Xasan Sheekh.

 Madaxweynaha ayaa sheegay inuu la kulmay Masuuliyiin ka tirsan dowladda Jarmalka, ayna ka wada hadleen arrimaha Soomaaliya, isagoo xusay inay is arkeen xubno ka tirsan Xafiiska Raysalwasaaraha Jarmalka Angela Markel oo haatan safar ku maqan.

Mar wax la weydiiyay Madaxweynaha arrimaha musuq maasuqa ayuu sheegay in dowladdiisa ay la dagaalami doonto musuq maasuqa, cidii lagu helana sharciga la marsiin doono, waxaa uu xusay in aanay jirin cid sharciga ka sareysa.

 Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maalintii arbacadii ka dhoofay magaalada Muqdisho ayaa markii u dambeysay ee meel fagaare ah lagu arko ay aheyd munaasabadii casho sharafta ee uu Raysalwasaaraha u sameeyay Xildhibaanada.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilka qabtay sanadkii 2012 ayaa tan iyo xilligaas galay dagaal siyaasadeed iyo buuq badan, waxaana intii uu xilka hayay uu magacaabay saddex Ra’iisul Wasaare, waana Madaxweynaha ugu dhaqsiyaha badnaa ee Ra’iisul Wasaare ku magacaaba muddo 2-sano gudahood, marka loo eego Madaxweynayaashii hore.