Hargeisa(Geeska)Wasiirka madaxtooyada ee Jamhuuriyadda Somaliland Khadar Xuseen Cabdi oo qoraal soo dhigay bartiisa X ayaa ka hadlay warkii kasoo baxay dowladda Turkiga ee ku Saabsana aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland.
“Wasiir Khadar waxa u Qoraalkisa ku yidhi Waxaa wax lala yaabo ah in 35 sano kadib oo ay iska indha tirayeen dadkeenna iyo qadiyadeenna, in dawlada Turkigu si lama filaan ah u ogaatay muhiimadda istiraatijiyadeed ee Somaliland. Waxaa ka sii niyad jab badan in garashadani ay isu rogtay cadaawad.
Run fudud ayaa ah mid taagnaaneysa: kani waa dhulkayaga. Xasan Sheekh Maxamuud sharci iyo awood midna uma laha inuu halkan idin keeno-laakiin Anagu waxaanu leennahay sharci iyo awood aanu ku martiqaadno saaxiibadayada” ayuu ku yiri qoraalkiisa barta X.
Hadalka wasiirka ayaa yimid maalin kadib markii wasiirka arrimaha dibada Turkiga Hakan Fidan oo ka hadlayay arrimo badan oo caalamka uu sheegay inay tahay nasiib darro weyn oo ku dhacday Somaliland isagoo ula jeeday aqoonsiga ay israa’iil ka heshay Somaliland












