Xasan Sheekh Kulan Qarsoodiya La Yeeshay Raysalwasaaraha Israa’iil

0
618

Hargeysa(Geeska/W.Wararka)-Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa markii u horaysay taariikhda, wuxuu kulan qarsoodi ah la yeeshay Raysalwasaaraha Yuhuuda Benjamin Netanyahu.

1

Wargeyska ka soo baxa Israa’iil ee The Times of Israel, ayaa shalay baahiyay in xogo uu helay ay xaqiijinayaan in laba toddobaad ka hor uu kulan dhex maray Xasan Sheekh iyo raysalwasaaraha israa’iil.

Wargeysku wuxuu sheegay in sarkaal ku dhow dhow madaxweynaha Somaliya uu wargeyskan u xaqiijiyay in kulanku dhex maray, wuxuuse ka gaabsaday inuu xaqiijiyo in kulanku ka dhacay magaalada Tel Aviv iyo inuu ka dhacay meel kale.

Wargeysku wuxuu sheegay in kulan labaad uu qorshaysanyahay inuu dhawaan dhex maro Xasan Sheekh iyo Benjamin Netanyahu.

Saraakiil ka tirsan Israa’iil, oo uu wargeyskani la xidhiidhay ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan kulankan dhex maray Xasan Sheekh iyo Benjamin Netanyahu.

Hase yeeshee, wargeyska ayaa sheegay in  shirjaraa’id oo uu Benjamin Netanyahu qabtay salaasadii ay ku weydiiyeen inuu kulan dhex maray madaxweynaha Somaliya, waxaanu ka war wareegay Benjamin Netanyahu inuu xaqiijiyo ama beeniyo kulankaas, waxaanu yidhi, “Ma doonayo inaan ka jawaabo su’aashan khaaska ah. Waxaan keliya odhan karaa waxaanu leenahay xidhiidho badan wadamada aanaan la lahayn xidhiidh toos ah.”

Kulankan ayaa wuxuu dhaawac gaadhsiinayaa sumcada iyo siyaasadda Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana la eegi doonaa sida uu uga falceliyo Xasan Sheekh kulankan, waxaanu noqonayaa hoggaamiyihii u horeeyay ee Somali ah ee kulan la yeesha Benjamin Netanyahu.