Hargeysa(Geeska):-Madaxweyne ku xigeenkii u horeeyey ee Somaliland Mujaahid Xasan Ciise Jaamac, iyo wasiirkii hore ee maaliyadda Md. Maxamed Xaashi Cilmi, oo labaduba ka mid ahaa raggii aasaasay ururkii SNM ee dalka xoreeyay, ayaa si adag uga hadlay muddo kordhinta ay golaha Guurtidu u sameeyeen xukuumada Siilaanyo iyo aqalka golaha wakiialda Somaliland, waxaanay sheegeen in golaha Guurtidu ay kordhiyeen muddo aan loo fadhiyin isla mar ahaantaana aanay jirin wax duruufo ah oo khasbaayo in la kordhiyo muddo intaas leeg.
Labadan siyaasi ayaa hadalkan ka sheegay mar ay shalay warbaahinta kula hadleen guriga uu Hargeysa ka degenyahay siyaasiga Xasan Ciise Jaamac.
Xasan Ciise Jaamac
Xasan Ciise Jaamac, oo ugu horayn hadlay ayaa yidhi "Waad la socotaan marxalada uu dalku maraayo, waxaa aynu galnay wakhti cidhiidhi ah oo sharcigii xukuumadan mudadii loo dhiibay ee loo doortay uu imika ka hadhsan yahay muddo bil ama laba todobaad ah, waa wakhtigii loo baahnaa in xukuumadu ay dalka u dhigto nidaam ay kala tashatay xisbiyada oo dhan iyo waxgaradka umadda oo lagu dhaqaaqo laguna kalsoon yahay umadduna ay ku qanacsan tahay, taasi meesha ma taalo oo lama samayn waxaa halkaa marka ka muuqata in xukuumadani ay hawsheedii gabtay, marka ay xukuumadu hawsheeda gabto, wadanku waa uu innaga dhaxeeya oo waa in aynu wax is weydiinaa, xisbiyada mucaaradkuna waa in ay hormood ka noqdaan arrintaas, waxaana maalintii shalay(dorraad) ay Guurtidu ku dhawaaqday oo ay mudadii u kordhiyeen xukuumada, Guurtidii waxay kordhisay muddo aan laga eegayn oo aan loo fadhiyin, oo aanay xisaabtaba rag badan oo innaga mid ahiba aanay ku darsan, waxaa la filaayey haddii wakhti kordhis uu yimaado oo lama huraan ay noqoto in la kordhiyo wakhtigii uu Komishanka doorashooyinka Somailand isagu uu cayimay ayaa la filaayey ee sanadka ahayd, tii Laban laab ku dhawaad ayey ka dhigeen, wax sabab ah oo macquul ah oo distoorku dhigaayo oo sharcigu dhigaayo, oo ay cayimeen oo ay dadka u sheegeen ma jirto, marka arrintaasi waxa weeyaan arrin argagax dad fara badan ku abuurtay ayey noqotay arrin aan loo baahnayn ayaa ay ahayd. Waxa aanu soo jeedinaynaa marka in xisbiyada sharciga ah ee mucaaradku ay hormood ku noqdaan annaguna aan ku taageerno in ay gogal umaddan u fidiyaan lagu wada tashado oo waxyaabo badan oo aas aasi ah oo maqan oo xukuumadani ay gabtay la isweydiiyo.”.
Mujaahid Xasan Ciise Jaamac, waxaa uu sida oo kale sheegay in uu war war xooga ka qabo sida ay xukuumada hada jirta dalka uga hir galin doonto doorasho xor iyo xalaal ah, isaga oo tilmaamay in doorashooyinkii deegaanka ee ay hore u soo qabatay ay ahaayeen kuwo dhibaato weyn u gaystay aayahii iyo mustaqbalkii qaranka Somaliland, waxaana uu carabka ku dhuftay in aanay dunida waligeed ka qabsoomin doorashooyin abid ka xun kuwii golaha deegaanka ee ay xukuumada Siilaanyo dalka ka qabatay, isaga oo si cad u tilmaamay qaar ka mid ah god daloolooyinkii ay lahayd doorashooyinkii dawladaha hoose ee dalka ka qabsoomay sanadkii 2012kii.
“Waxaa aniga shakhsiyan aad iyo aad war war iigu haya arrin aynu xog ogaal u ahayn oo inna soo maray oo ah doorashadii ugu danbeysay ee deegaanka ee xukuumadani qaban qaabisay ee ay dalkan aayahiisa iyo mustaqbalkiisaba ay war warka iga galisay, halgankii Tobanka sanno ahaa ee aynu soo galnayba xataa war warkaasi imuu galin, sababta oo ah waxaa ina soo martay oo aan hore u dhicin in nin doorasho isu soo taagay oo mudanayaashii doorashada isu soo taagay ka mid ahi oo deegaankiisii ka sharaxan sidii ka dhacday Geed deeble oo lagu kalsoon yahay oo la wada hubay in dad badana ugu rideen aad yar uun la yidhaahdo waraaq kaliya maad helin, waxba maad helin oo Eber ayaad heshay, waxa ay sida oo kale taas teedii ka dhacday Ceerigaabo, waxaa kale oo ina soo martay in aynu waraaqii lagu codeeyey aynu dooxa ka soo ururinay oo la gubay, waxa weeyaan doorasho taas la mid ah oo aduunka meelna ka dhacday Somaliland iska daayoo, aduunyada meelna lagu sheegi maayo, haddaba xukuumadii taas mas'uulka ka ahayd marka la yidhaahdo doorasho madaxweyne ha qabato oo tii Baarlamaanka ha qabato anigu waxaan leeyahay cida Somaliland in uun aayaheeda ka naxaysa ee lexla jeclo ka qabtaa arrinta talo ha ka keento, waxaana aan ku guubaabinaynaa Labada xisbi ee mucaaradka annaguna aanu xaga hore kaga jirna in talo qaran arrinta laga yeesho.".Ayuu yidhi Xasan Ciise Jaamac.
Maxamed Xaashi Cilmi
Maxamed Xaashi Cilmi, oo halkaas isna ka hadlay ayaa yidhi "Guurtida waxaa loo aas aasay in ay iyadu khilaafaadka demiso oo ay dalka nabad gelyo ku soo dabaasho, meeshii ay dhibaato ka jirtana ay ka gurmato, nabadna ay ku soo xasiliso dalka, waa aas aaskii loo dhigay Guurtida. Waxaad moodaa Guurtida markii magaalada la soo galay in ay ku ceeshtay war urursi iyo dhibaatooyin kale, waxaa imika muuqata sanad walba kolka la soo gaadho doorasho in dawlada xilkeedii ka soo bixi weyday oo ku guul daraysatay ayey yidhaahdaan aan u kordhino, Guurtidu waxaa ay kordhin kartaa marka sharciga 42aad qodobkiisa Saddexaad ee odhanaaya haddii doorashadu ka qabsoomi weydo sababo adag awgood oo ah dhul gariir ba'an oo ka dhaca dalka, abaaro dalka saameeya, dagaalo sokeeye oo iyaguna sida oo kale dalka saameeya, waxa weeyaan dhibaatooyin noocaas ah kolka ay dhacaan ee doorasho qabsoomi waydo ayaa Guurtida loo igmanayaa in ay wixii loo soo jeediyo mudada lagaga bixi karo dhibaatada kolka la xadido ayaa la odhan karaa mudadaas ayey kordhinaysaa, waxaana lagaga bixi karaa mudada la gooyey ee sidaas ah, laakiin tii oo aanay waxiiba dhacin in iyadii nabad galyada illaalin lahayd ay kolkii wal ee doorasho jirtaba ay sidan caadaysataa waa nasiib darro weyn. Guurtidu xilkeedii waa ay ka soo bixi weyday iyaduna sharci kuma fadhido, golaha wakiiladuna sharci kuma fadhiyaan, mudadoodii waa ay wada dhamaatay.”.Ayuu yidhi Eng.Maxamed Xaashi Cilmi.
Eng.Maxamed Xaashi Cilmi oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu yidhi:“Marka waxa weeyaan dalkan in dadka u danaynayaa ay ka taliyaan ee doonaya in dalkani hore u maro ayaa loo baahan yahay, kolka sidaas la yidhi waxa weeyaan in la iskaga yimaado oo sidii dalkan loogu talin lahaa iyo halkii wax la marin lahaa iyo wanaagu halka uu ku jiro lagu soo dabaalo kolka Guurtidu boqolkiiba boqol ayey ku guul daraysatay, golaha wakiiladuna waa sida oo kale , waayo isaga ayaa qaban lahaa Guurtidu sharcigan ay jabinayso iyo xukuumadu sharcigan ay burburinayso ee ay jabinayso isaga ayaa qaban lahaa, waxay u muuqata saddexdii dhadhaar ee isdheeli tiri lahaa in ay isku soo dhawaadeen oo dherigii khatar ku jiro, kolka khatartaa ha laga gaadho, ayaa maanta halka looga fadhiyaa, xisbiyada mucaaradkuna waa in ay arrinta la yimaadaan in ay dawladnimadeenii innoogu jirto oo xasiloonida aynu ku naaloonaynaa innoo jirto oo horumar aynu gaadhno ayaa ay taladayadu tahay.".