Madaxweyne Siilaanyo Iyo Safiirka Midowga Yurub Oo Shalay Isku Hor Fadhiistay Kulan Xasaasi Ah Iyo Xogaha Uu Geeska Afrika Ka Helay

0
496

Picture8Hargeysa(Geeska)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Midowga Yurub danjire  Michael Cervone oo hawlo shaqo u yimid Somaliland.

Kulanka oo ahaa mid ay albaabadu u xidhanyihiin waxa uu gebi ahaanba ku saabsanaa arrimaha doorashooyinka iyo muddo kordhinta labada sannadood ah ee ay golaha guurtidu u sameeyeen Madaxweyne Siilaanyo iyo ku xigeenkiisa iyo weliba golaha wakiilada, waxaanu ahaa kulan ay xaraaradiisu saraysay oo ay labada dhinac isku dhaafsadeen doodo kulul.

Kulanka ayaa waxa Madaxweyne Siilaanyo ku weheliyay ku xigeenkiisa Saylici, wasiirada khaarajiga, qorshaynta, arrimaha gudaha iyo madaxtooyada, halka ay ergayga Midowga Yurub la socdeen saraakiil ka tirsan xafiiskiisa Nayrobi. Kulanka oo aan saxaafadda loo ogolayn islamarkaana aan laga soo saarin wax war ah, wuxuu Geeska Afrika ka soo ururiyay xogahan oo uu ka soo xigtay ilo muhiim ah.

Danjiraha Midowga Yurub

Danjiraha ayaa la sheegay in wejigiisa laga dareemayay cadho uu ka qaaday muddo kordinta ay golaha guurtidu sameeyeen ee labada sannadood ah, waxaanu hadalka ku bilaabay sida ay Midowga Yurub uga xunyihiin go’aanka ka soo baxay golaha guurtida Somaliland, isagoo sheegay in go’aankani halis gelin karo xidhiidhka iyo macaamilka ay Somaliland la leedahay Beesha caalamka, isagoo ku faanay in Midowga Yurub Somaliland u yahay deeq bixiye weyn oo si toos ah uga caawiya arrimo kala duwan.Wuxuu Madaxweyne Siilaanyo si toos ah uga dalbaday inaanu ku deg-degin aqbalaada go’aanka ka soo baxay golaha guurtida islamarkaana uu dib ugu celiyo golaha guurtida go’aankaas, waxaanu muujiyay in Midowga Yurub taageersanyahay wakhtigii ay xisbiyadu markii hore isla garteen ee dhicisoobay ee ahaa in muddo kordhintu noqoto sannad iyo shan bilood iyo shan iyo toban cisho, taas oo ku began 15 November 2016.

Wuxuu safiirku ku dooday inay la socdaan xubno ka tirsan golaha wasiirada oo hadalo dhaleecayn ah warbaahinta u soo mariyey, kuwaas oo uu xusay inay ogyihiin halka ay ka soo baxayaan.

Sidoo kale wuxuu danjiruhu ka hadlay sida ay uga xumaadeen xadhigii dhawaan loo gaystay hoggaamiyaha xarunta xuquuqal insaanka Somaliland Guuleed Axmed Jaamac, waxaanu codsaday in la joojiyo dacwadda lagu wado Mr. Guuleed oo hadda damaanad lagu soo daayay.

Jawaabta Madaxweyne Siilaanyo

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, oo ka jawaabay hadalada safiirka Midowga Yurub, ayaa sida ay ilahan xogogaalka ahi u sheegeen Geeska Afrika, wuxuu cadeeyay in muddo kordhinta ay golaha guurtidu sameeyeen tahay mid sharci ah oo aan dood iyo ka noqosho lahayn.  Sida uu warku sheegay Madaxweyne Siilaanyo ayaa wuxuu si adag ugu yidhi safiirka Midowga Yurub, “Aniga wax iima yeedhin kartaan”, waxaanu sheegay inay Somaliland u madaxbanaantahay xeerarkeeda iyo arrimaheeda maxalliga ah, isagoo xusay in golaha guurtidu yahay hay’adda ugu saraysa dalka ee awood u leh arrimaha muddo kordhinta oo uu sheegay in distoorku awood u siiyay.

Waxaanu Madaxweynuhu ugu dambayn safiirka si cad ugu sheegay inaanu go’aankaas golaha guurtidu ka noqosho lahayn.

Qodobka khuseeyay mawduuca xadhiga guddoomiyaha xarunta xuquuqal insaanka Guuleed Axmed Jaamac, waxa ay xogahani sheegeen inaanu Madaxweyne Siilaanyo wax jawaab ah ka bixin. Laakiin wasiirkiisa khaarajiga Md. Maxamed Biixi Yoonis, ayaa si kooban uga hadlay, isagoo sheegay inay dejin doonaan arrinta xadhiga Guuleed iyo dacwadiisa, waxase uu sheegay inay mari doonaan xeerarka, maadaama ayuu yidhi ay arrintaasi ku jirto dhinaca hay’adaha garsoorka.

Md. Maxamed Biixi iyo Wasiir Sacad Cali Shire, ayaa geesta kale waxay ay xoojiyeen in golaha guurtidu yahay hay’ad magac iyo maamuus ku leh Somaliland islamarkaana ay go’aamadoodu yihiin kuwo la ixtiraamayo.

Gunaanad

Inkastoo ay Madaxweyne Siilaanyo iyo safiirku ku kala yimaadeen salaam iyo is gacan qaad, haddana ma jiro wax natiijo ah oo ka soo baxday kulankaas oo aan ahayn dooddo la isweydaarsaday oo aan dhinacna dhinaca kale qancin, waxaana is fahmi-waaga laga akhrisan karayey, iyadoo aanu jirin shirjaraa’id oo ay madaxda Somaliland iyo danjirahani wada qabteen, halka ay kulamadii hore wada jir u qaban jireen shirarka jaraa’id. Waxaana la filayaa inay isugu yimaaddaan kulan labaad oo ka sii miisaan culus kulanka shalay.