Xasan Ciise Jaamac Iyo Aqoonyahano Kale Oo Shacabka Ugu Baaqay Inay Is Diiwaangeliyaan

0
494

Hargeysa(Geeska)-Mujaahid Xasan Ciise Jaamac iyo aqoonyahano kale ayaa shacabka reer Somaliland ugu baaqay inay diiwaangelinta cod bixiyayaasha ka qayb qaataan si ay qayb ugu yeeshaan mustaqbalka cidda hoggaaminaysa dalkooda oo ay u doortaan.

1

Xasan Ciise Jaamac, oo ay weheliyaan Maxamed Cali Madoobe oo ka tirsan guddiga Afgarad iyo aqoonyahan Khadar Aadan Diiriye (Khadar-gurey) oo ka mid ah qurbe joogta dalka Maraykanka, ayaa shirjaraa’id oo ay shalay qabteen, waxa ay shacabka gobalka Maroodi-jeex ugu baaqeen inaanay dhayalsan diiwaangelinta.

Mujaahid Xasan Ciise, oo shacabka la hadlaya ayaa ugu horayn wuxuu yidhi  “Waxa muhiim ah arrinta isdiiwaangelintu waa arrin aan ahmiyadeeda la koobi karin, waa kaalinta ay siyaasadda ku leeyihiin dadweynuhu, markay doorasho timaado ee wadanku dimuqraadi yahay inay ka qayb galaan, haddii aanay is diiwaangelin waxaan suurtoobayn inay markaas doorashada ka qayb galaan. Haddii aanad is diiwaangelin, markaas waxa weeyaan xaqii aan wadanka ku lahaa waan dedefeeyay, waxaanay ka dhigantahay wadanka inaanad joogin oo kale ama inaad ajaanib tahay oo aanad cod ku lahayn.”

Ugu dambayn wuxuu Xasan Ciise isagoo shacabka la hadlaya uu yidhi “Waxaan ku bogaadinayaa dadweynaha Somaliland oo dhan inay is diiwaangeliyaan si ay u gutaan xaqooda dimuqraadiyadda ka saaran.”

Maxamed Cali Madoobe iyo aqoonyahan Khadar Aadan Diiriye, oo iyaguna halkaas ka hadlay ayaa shacabka reer Hargeysa ugu baaqay inaanay dhayalsan diiwaangelinta oo ay si mug leh isu diiwaangeliyaan dadka uu distoorku xaqa u siiyay inay codeeyaan.