Xasan Al-Banna: Dheemankii Qarniga Qore: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub…Q. 3aad

0
629

Waxa muuqata dhiska u doonayey inu udub dhexaad u yahay qof Muslin ahi, kaa oo badhi taageeraya sidii loo heli lahaa guri muslin. Guriga Muslinka ahina waa ka soo saaraya ummad Muslin ah oo doonaysa inay isku xukumaan xukunka Rabbi SWT.

1

Talabaadaasi waa tii Rasuulka CSW uu ku dhisay dawladdiisi. Waxa la arki jiray qof kasta oo Ikhwaanka ka tirsani inu aaminsana in aanay cid uga dhawayn Xasan Al-Banna iyo in uu qof ahaan ugu hiiliyo diinta. Sidaa oo kale ayey ahayeen saxaabadiina qaar u taagna u hiilinta diinta.

Hoggaamintaa ayuu ku helay in loogu yeedho magaca Imaam Xasan. Shan iyo labatan sannadood ayuu u taagna u hilinta diinta; mabda’ ahaanna baraarujinayey, la hadlayey maankooga, ku boorinayey barashada aqoonta qaybaheeda kala duwan.

Shakhsi ahaan wuxu ahaa; nin dabacsan, dad isku wad leh oo mar kasta waji furan. Sidoo kale mu ahayn nin degdega. Nin odoros dheer buu ahaa, waxa aad ka garan kartaa sheekadii dhex martay isag iyo suxifigii Ikhwaanka.

Maxamed Cali Xaliim ayaa waxa uu ka warramay dhacdadii la yaabka lahayd; “Imaamka ayaan u yimid aniga oo sita jara’idkii Al-Ahraam ee ka soo bixi jiray Qaahira. Qoraal ku qoran baan tusay iyo kii aan ugu jawaabayey.

Qoraalkaa waxa lahaa Sayid Qudbi oo xilligaa u janjeedhay afkaarta Calmaaniyadda. Qoraalkiisuna wuxu lahaa; ‘Dadku ha socdaan maryo la’aan’. Suxufiganna wuxu doonayey inu u jawaabo Saydka.

Kolku Imaam Xasan Al-Banna Rabbi ha janneeye labadii qoraal akhristay ayuu ku yidhi suxufiigii:

“Maxamedoow haddaad u jawaabto armu ku fogaada? Oo uu inna colaadsadaa?. Maqaalkiisu waa mid liita oo inta akhrisanaysa ay kooban tahay, se haddaad adigu u jawaabto dadku qoraalkiisi hore ayey raadsan. Waan aqaana oo wuxu ku barbaaray deegaan afkaarta reer galbeedka ilbaxnimo u haysata. Mase laga yaaba Maxamedoow yarkaa in u Ilaahay diiintiisa maalin uun u gargaaro?.”

Kaliya muu ahayn barbaariye iyo hoggaamiye tolmeen’e wuxu ahaa indheer-garad odoros leh. Intaa oo tilmaamood waxa aad ku arkaysa hadalkiisa. Sayidku isaga oo qoraaladaa qoraya ayuu haddana leeyahay; armu maalin un diinta u gargaara?. Waadna og tahay Sayidku sidu ku dambeeyey.

Waxa yadna tusaale ah in aan laga quusan qofka oo kol kasta lagu hammiyo inu noqdo mid tubta toosan ku soo dhaca. Waana sidu Suubbanuhu ku ducaystay xadiiska ina Cumar wariyey Albaanina saxiixa ku sheegay; “Ilaahow labada Cumar midkood Islaamka ugu hiili.”

Labada Cumar mid wuxu ahaa; Cumar ina Khaddaab, ka kalena Camar ina Hashaam oo Islaamka hortii Carabtu ku naanaysi jirtay ‘Abu Xakam’ Rasuulkuna ugu badalay ‘Abu Jahal’. Waana la ogaa sidu Cumar ina Khaddaab ugu hiiliyey diinta.

Midka saddexaad ee laga faa’idaysanayo hadalka Imaam Banna ayaa ah; in aan la qaadqaadin hadalada ka soo yeedha dadyowga afkaarta loo soo dhibay ay ka soo burqanayso. Lagana door bido u jawaabiddooda in la xaqiro oo hoos loo dhigo. Si aanay wax isku moodin, sidoo kale colaad shakhsi ahna aanay u qaadan. Se haddii qoraaladooda lagu kadsoomayo laga aamusi maayo.

La soco qaybta afaraad……

Talo iyo tusaale ba waa xagginna

Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan-Rakuub

Facebook: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

                Tell: Telesom: 063 440 85 03. Somtel: 97 08 515

Email:cabdirisaaqafrican@hotmail.com

                         Rakuub.wordpress.com