Xarunta Guud Ee HCTV Ee Hargeysa Oo Dib U Dhis Iyo Dib U Qalabayn Lagu Samaynayo

0
544

Picture3Hargeysa(Geeska)– Telefishanka Caalamiga ah ee HCTV ayaa xaruntiisa guud ee magaaladda Hargeysa ka dhisanaya Istuudiyoo (studio) heer caalami ah oo casri ah isla markaana loo farsameeyey qaabka loo dhisao xarumaha telefishanada caalamiga ah ee dunida.

Telefishanka Horn Cable Tv oo ah hay’adda warbaahineed ee ugu codka-dheer telefishanada soomaalida, ayaa mudadii uu jiray soo maray marxalado kala duwan oo waayahooda watay isla markaana horumar balaadhan sameeyey mudadii uu jiray.

Sida uu  sheegay Madaxa Barnamijyada ee HCTV Maxamed Axmed Muuse Kuraase, barnaamijyadii Telefishanka ka bixi jiray ayaa lagu samaynayaa kor u qaadis, waxaanu xusay inay dhawaan sii dayn doonaan hordhacyada barnaamijyadaas oo loo diyaariyay hanaan caalami ah, waxaana sida uu sheegay Mr Kuraase hawlihii warka iyo barnaamijyada ee TV-gaasi loo wareejiyey inta ay socoto dib u casriyeynta studio-haasi  oo laga soo baahin doono xarumaha ay ku leeyihiin magaalooyinka London, Nairobi iyo Muqdisho. –

 

Sidoo kaleMadaxa Barnamijyada waxa uu intaas ku daray in ramadaanta ka dib uu barnaamijyo cusub iyo kuwii hore ee ka bixi jiray tv-gaas oo kor loo qaaday tayadoodu isla markaana u badan barnaamijyo arrimaha bulshadda ku taxaluqa usoo gudbin doonaan macaamiishooda dacalada dunida ku kala nool, kuwaas oo ay mid noqon doonaan kuwa ka hadlaya caafimaadka, waxbarashadda, biyaha,Mawelada Caruurta, Dhalinyarada, Arimaha Bulshada,deegaanka, documentary-yo cusub, doodo ay sidoo kale ka qaybqaadan doonaan bulshadda tiradda badan ee ku xidhan baraha internet-ka ee ay bulshadu ku kulanto (social media) sida Facebook, Twitter, Skype-ka  iyo waliba barnaamijyo diini ah IWM.

Sida uu sheegay Madaxa Barnamijyada HCTV dhamaan qalabkii iyo agabkii ay hore ugu hawl-gali jireen shaqaalaha TV-ga ee ka hawlgala Somaliland, Somalia, Puntland, Kenya iyo guud ahaan meelkasta oo ay ka hawlgalaan hawl-wadeenadda HCTV, kuwaas oo imika wixii ka danbeeyey ku wada hawl-gali doona qalab-casri ah oo la jaan-qaadi doona warbaahinta dunida horumartay,waxa kale oo qayb ka ah Horumarka dhinaca isbadelka lagu samayn doono Xafiisyada Magalooyinka Djibouti iyo Jigjiga, sidoo kale waxa si xawliya u bilaabmaya todobaadyada soo socda Barnamijyo si heer caalami ah loo diyaariyey.

Isku soo wada duuboo Telefishanka HCTV ayaa saamayn-balaadhan ku leh siyaasadda soomaalida, kaas oo si muuqata looga dheehdo hadba xaaladaha ka taagan dhulka Soomaalida iyo guud ahaan dhacdooyinka ugu waawayn dunidda, isla markaana bulshadda usoo bandhiga xaqaa’iqa dhaqan-dhaqaale ama siyaasadeed ee ka taagan gayiga soomaalida oo dhan.