Xarunta CPA Oo Soo Dhawaysay Heshiiska Xisbiyada Iyo Xukuumada

0
758

Picture2Hargeysa(Geeska)-Xarunta daraasaaska siyaasadda Somaliland (Center for policy analaysis) ayaa soo dhawaysay heshiiska lagu soo ajaray khilaafkii siyaasiga ahaa ee ay wada saxeexdeen saddexda xisbi qaran iyo xukuumadda Somaliland.  War-murtiyeed ay xalay soo saartay agaasimaha fulinta ee CPA, ayaa lagu soo dhaweeyay heshiiskaas, waxaanu war-murtiyeedku u qornaa sidan “Xarunta Daraasaadka Siyaasada Soomaaliland waxay soo dhawaynaysaa heshiiska ay gaadheen sadexda xisbi qaran ee Soomaliland ee ka soo baxay kulankii wada tashiga qaran ee uu gudoominayay Madaxwayne ku xigeenka Soomaaliland Cabdiraxmaan Saylici, si ay ugu soo afjaraan  murankii ka dhashay go’aankii  Guurtida ee kordhinta mudo xileedka Madaxwaynaha iyo Barlamaanka Soomaaliland. Dhinacyadu waxay isku raaceen in doorashada la qabto bisha laba iyo tobnaad ee 2016. In la dhameeyo muranka ka dhashay mudo xilleedka Madaxwaynaha iyo Baarlamaanku wuxuu muhiim u yahay jiritaanka nabada iyo xasiloonida dalka, waxaanu ku hambalyaynaynaa Dawlada, Xisbul Xaakimka iyo Xisbiyada Mucaaridka doorka ay ka qaateen  xal u helida muranka ka dhashay go’aanka Guurtida. Golaha Guurtidu Dastuur ahaan, iyagaa leh awooda mudo kordhimaha Madaxwaynaha, ku xigeenka iyo Baarlamaanka marka uu mudo xileedkoodu dhamaado, ay dhacaana dib u dhacyo ku salaysan dastuurku. waxaanu u soo jeedinaynaa Golaha Guurtida inay tixgeliyaan mudada qabashada doorashada ay isku raaceen Xisbiyada Qaranka Soomaaliland si loo afjaro muranka mudo xileedka Madaxwaynaha , ku xigeenka iyo Baarlamaanka, loona sii wado waajibaadka shaqo ee qaranka. Dib udhacyada doorashooyinku waxay waxyeelo u gaysan karaa nidaamka dimoqraadiyadeed, xidhiidhka Soomaaliland la leedahay Bulshada Caalamka, iyo sumcadeeda. CPA waxay usoo  jeedinaysaa dhamaan cida ku shaqo leh doorashooyinku inay Gudida Doorashooyinka Qaranka ka caawiyaan inay doorashadu ku qabsoonto wakhtigeeda lana abuuro bii’ad suurto galin karta in doorashooyinka lagu qabto sidii loogu talo galay. Waxaanu u soo jeedinaynaa ugu danbayn, dhamaan cida ku shaqada leh doorashooyinku inay u hogaansamaan dastuurka iyo shuruucda doorashooyinka si loo helo doorasho xor iyo xalaal ah oo lagu qabtay wakhtigeeda.