Hogaanka Xisbiga Waddani Sheekh Adam Siiro ku booqday Gurigiisa

0
653

Picture1Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha golaha wakiilada ahna guddoomiyaha xisbiga Waddani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo wefti uu hoggaaminayo oo ka tirsan xisbiga Waddani ayaa shalay gurigiisa ku booqday Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Aadan Siiro) oo dhawaan ka soo laabtay safar caafimaad oo dibadda ah. Sheekh Adan siro oo muddo ku sugnaa magaalada Hargeysa kadib markii uu qalniin dhanka kalida ah ku soo galay dhakhtar ku yaal wadanka India ayaa wuxu si weyn ugu mahadceliyey Masuuliyiintan ku soo booqday gurigiisa isagoo dhanka kale siiyey waanooyin dhaxal gal u ah dalka iyo dadka sidoo kalena ku hambalyeeyay heshiishkii ay la galeen labada xisbi ee kale wuxu sheekho si qoto dheer uga warama Somaliland iyo sawirka ay dunida ku leedahay wuxuna sheegay in xisbiga waddani markasta ku dadaalo wanaaga badan ee uu leeyahay si gaar ahna wuxu ugu amaanay gudoomiyaha xisbigaas afgaabni iyo akhlaaq Alle siiyey.

Sheekha ayaa wuxu ugu danbeyntii Alle ka baryey inuu dalka ka dhigo mid wanaagiisu si waraa ummadana ka yeelo mid wada jir wax ku kala qadata.

Dhinaca kale waxaa iyaguna sheekha u duceeyey Gudoomiye kuxigeenka kowaad ee xisbiga Axmed Mumin Seed, Xoghayaha Siyaasada Maxamud Raage, Xoghaya xidhiidhka Gobolada, C/lahi Damur, Xassan Codyare, Haldoor Barkhad Jama Batun waxaaney dhamaantood Alle uga baryeen inuu sheekha caafimaadkisa oo aad u wacan u sii siyaadiyo

Ugu danbentina waxaa madasha soo afmeeray hadalkeeda gudoomiyaha xisbiga mudane Waddani Md. Cabdiraxmaan Cirro oo Sheekha ugu horeyn si mug weyn ugu duceeyey waxaanu sheegay inuu sheekhu yahay shaqsi qiimo weyn ugu fadhiya Somaliland Allena uga baryayo caafimaad qab deg deg ah wuxuna dhankiisa balan qaaday inaan xisbiga Waddani marnaba dhankisa ka imaneyn wax lid ku ah wada jirka ummada iyo isku haynta dalka iyo dadka isagoo sheegay inuu xisbiga waddani markasta danta dalka iyo dadka ka horumarinayo wax kasta oo ku imaada wadanka waxaanu tusaale u soo qaatey tanaasulaadkii badna ee xisbigu u sameeyey ee ku saabsaneyd arimaha dib u dhaca doorashooyinka.

Guud ahaan kulankan ayaa ku soo afmeermay duca iyo dardaan lakala qaatey