Xamaas Oo Dhex Gashay Talefanada Iyo Talefishannada Yuhuudda

0
698

Picture4Quds (Geeska)- Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ah oo uu sameeyey garabka hubaysan ee ururka Xamaas ayaa Isniintii toddobaadkan ku guulaysatay in ay gasho hawada Israel kadibna si nabadgelyo ah ugu soo noqotay fadhiisinkii laga diray ee gudaha magaalada Qaza iyada oo sidda sawirro iyo khariirado milateri ahaan aad u muhiim ah.

Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay talefishanka Al-Jazeera oo isagu si gaar ah u helay sawirro caddayn ah, ayaa intaas ku daraya in Cutubyada Al-Qasaam oo ah garabka hubaysan ee ururka islaamiga ah ee Xammaas ay hawada Israel geliyeen diyaarado kale oo ah nooca afka qalaad lagu yidhaahdo Drone ee iyagu is wada, kuwaas oo ay Israel ku fashilantay in ay xoog ku soo dejiso ama tashuush ku furto awooddooda sawir-qaadista. Al-Qasaam waxa ay sheegtay in diyaaradahaas is-wada ee ay samaysteen qaarkood ay yihiin kuwo weerar qaadi kara oo ay ku rakiban yihiin gantaalo, arrinta xasaasiga ahina waxa ay tahay in diyaaradahan oo ay Xammaas u bixisay Abaabiil ay dul haadeen dhismaha wasaaradda difaaca Israel oo ku yaalla magaalada Tel Aviv, sida lagu xaqiijiyey qoraal rasmi ah oo ka soo baxay Qassaam. Sawirrada uu talefishanka Al-Jazeera helay ee ay diyaaradahan aan duuliyaha lahayni soo qaadeen waxaa ka mid ah, beero, warshado iyo goobo dhaqaale oo dhammaantood ah gudaha Israel, qaar ka mid ah sawirradaas oo xasaasi ahna waxaa si gaar ah ula hadhay masuuliyiinta garabka hubaysan ee Xammaas, (Qasaam) si ay uga faa’idaystaan hawlgallada dagaal ee socda.

Ciidamada Israel ayaa dhankooda qirtay in diyaarad nooca Drone ka loo yaqaanno ahi ay maalintaas Isniinta gashay hawadooda, laakiin waxa ay ku doodayaan in ay soo rideen, taas oo sawirrada la helay ay beeninayaan. Magaca Xamaas ay diyaaraddan u bixisay ee Abaabiil waxaa laga soo dheegtay Qur’aanka Kariimka ah, gaar ahaan qisadii uu Alle kaga waramayey in ciidamadii boqor Abraha u diray in ay kacbada burburiyaan ee maroodiga weyn watay uu Alle ku soo kiciyey shimbiro, waxa aanay tani astaan u tahay horumarka uu ururka Xamaas ka gaadhay dhinaca tiknoolajiyadda dagaalka.

Sidoo kale Xamaas waxa ay warbaahinta u qaybisay sawiro muujinay magaalooyin kala duwan oo kuwa Israel ah oo ay ku dhaceen gantaalaha ay Qaza ka soo ridayaan, waxaana ka mid ah gantaal ku dhacay dugsi lagu tababarto hubka casriga ah ee cirka, dhacdo kalana waxaa dhaawac loogu geystay mid ka mid ah taliyeyaasha ciidamada qalabka sida ee Israel iyo tiro kale oo ciidamadeeda ka mid ah.

Dhinaca kalana cutubyada Cissu-ddiin Qasaam waxa ay awood cilmiya u heleen in ay isla maalintaas Isniinta ay dhex-galaan (Tashuush ku furaan/dhegeystaan/ ama dhan kale u duwaan) talefannada gacanta ee Israel oo ay dadka sita farriimo u gudbiyeen iyo weliba Talefishanka Chanal 4 ee Israel shaashaddiisa ku faafiyeen hal-ku-dhegyo iyo ereyo ku waajahan shacabka Israel. Boqollaal kun oo Yuhuud ah ayaa talefankooda gacanta ay Xammaas ugu soo dirtay farriimo sheegaya in xukuumaddoodu ay masuul rasmi ah ka tahay argagax, warwarka iyo cabsida ay noloshooda maantu ku jirto. Talefishanka Janal 4  ee Israel ayaa isaguna qirtay in Xamaas ay hawada ka soo dhex gashay, Farriimaha ay Xamaas ku qoraysay muraayadda talefishanka Janal 4 waxaa ka mid ahaa “Xukuumadda Israel ayaa dooratay in dagaalkan la galo” waxa kale oo ka mid ahaa, “Ubadkiinu kama qaalisana ubadkayaga” oo ku qornaa afafka Carabiga iyo Hebrooga. Weearrada tobanka maalmood ay Israel ku haysay marinka Qaza ee dhulka Falastiiniyiinta  ayaa hubka ay adeegsatay waxaa ku jira neefo sun ah, waxaana illaa hadda ku dhintay dad ka badan 170 qof, halka uu dhaawacuna yahay qiyaas ah 1300 oo qof.