“Xal U Helista Saami Qaybsigana Aragtida Uu Xisbigaygu Ka Qabo Ayaan Ka Qaba” Jaamac-shabeel

0
508

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel) ayaa maamulka dawladda Somaliya ugu baaqay inay farogelinta ka dayso jamhuuriyadda Somaliland. 

1

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel) oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa ka hadlay aragtidiisa ku waajahan Saami qaybsiga iyo in mar la wada qabto Labada Doorasho ee Wakiilada iyo Madaxtooyada, waxaanu yidhi "Somaliland waa dal madax banaan, oo Somaliya xornimadiisi kala soo noqday, Somaliland loogama taliyo Somaliya, ee waxa looga taliya Xarunta Madaxtooyada Somaliland, ee waxaan leeyahay Xasan Sheekh Somaliland faraha kala baxa, oo dantooda baylahsan qabso, madax dhaqamadeedka magaca uyaalka ah ee aad sameeysana waxba Somaliland ka qaadi mayaane".

Mar aanu wax ka weydiinay sida uu arko Kulankii uu Madaweynuhu iskugu yeedhay Axsaabta ayaa yidhi "Mar hore ayey ahayd in saami qaybsiga gobolada si toos ah wax looga qabto Madaxweynuhu haddii uu iskugu yeedhay Axsaabta waan ugu mahadnaqaya, xal u helista Saami qaybsigana aragtida uu Xisbigaygu ka qabo ayaan ka qaba".

Mar aanu wax ka weydiinay in labad doorasho mar la wada qabto iyo in la kala qaado ayaa yidhi "In Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Wakiilada la wado qabto iyo in la kala qaado mawqif gaar ah kama qabo ee hadba halka uu ka istaago iyo mawqifka uu ka qaato Xisbigaygu ayaan ka istaagaya kana qaadanaya".