Xaflad Loo Sameeyay Arday Ka Qalin Jebisay Jaamacada Hope Oo Dhammaystay Shahaadada Master

0
618

Picture4Hargaysa(Geeska)-Munaasibad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay ku qalin-jabnayeen 24arday oo dhamaystay waxbarashada heerka labaad ee Master-ta oo bartay cilmiga diblomaasiyada iyo xidhiidhka caalamiga ah iyo sida oo kale caafimaadka iyo culuunta maamulka ganacsiga oo ay bixinaysay Jaamacada Hope Universatay oo xidhiidh toos ah la samaynaysay jamaacada Kambala ee dalka Yugandha ayaa shalay lagu qabtay hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Waxaana ka soo qayb galay guddoomiyaha aqalka golaha wakiilada Somaliland, wasiirka wasaarada waxbarashada, agaasimaha guud ee wasaarada warfaafinta, xildhibaano, madaxda xisbiyada qaranka, maamulka jaamacada, ardayda qalin-jabinaysay, haween iyo mari sharaf kale oo aad u tira badan.

Guddoomiyaha jaamacada Hope University Pro.Nijiib Sheikh Cabdikariin oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay, ayaa waxaa uu faah faahin ka bixiyey ardayda qalin-jabinaysay iyo sida oo kale qaybaha kala duwan ee ka kala baxeen. “Maanta waxan u xafladaynaynaa  xalfadii Sagaalaad ee jaamacada Hope qabanaysay maanta, waxan u xafladaynaynaa 24arday oo qaatay shahaadada Master Degree , oo isagu jira business administration , public administration, international relations and diplomacy iyo Development Studies qaybahan ay barteen sida aad ugaranysaan waa qaybihii Dal horumarkiisa uu ku kaashan jiray  , waxa ilaahay mahadiis ah in sanadkan ardaydan 24 ka ah ay 6 ka mid ahi Reseach kii ama buugii cilmi baadhista ahaa ay sameeyeen  inay ku mutaysteen inuu ku noqdo mid Si toosa loo daabici karayo kaas oo ka mid noqday buugaagta cilmiga aduunka  .Waxa kale oo xusid in marka cilmi baadhis la samaynayo uu ka sameeyo deegaankiisa shahaadada Master digree waxa lagu qaata inuu qofku keeno  xalka dhibtaato ama hawl xiligaas taagan ama inuu fursad aqooneed Daahfuro.”.Ayuu yidhi Pro.Najiib Sheekh Cabdikariin.

Guddoomiyaha gudiga joogtada ah ee golaha guurida Somaliland Md.Maxamuud aw-Axmed oo ka socday golaha guuritida isla mar ahaantaana goobta ku gudoomay shahaado sharaf ay jaamacada Hope University  ku maamuustay golaha Guurtida Somaliland.

”Waa Illaahay mahadii mar hadii aynu qalin jabintii jaamacadaha maanta u fadhino laakiin may jirteen hadaan nabad galyo jirin , ganacsade wayn oo baayac mushtari ah oo milyaneer ahi ma jireen, malaayiinka baabuur ee iminka  suuqa maryaa may jireen, wax Allaale waxaa aynu fooq iyo nimco dhisanaynaa may jireen hadaan nabadgalyadu jirin  waxa la yidhi nin hadii uu da’ noqdo wixii uu yidhaahdaa waa dar-daaran, wuxuu cunaana waa jal. Dar-daaran kaygu waxa weeye waar illaashada nabad-galyada, waar illaashada nimcada aad ku jirtaan gobalka aynu ku noolnahay waad ka war qabtaan waxa ka socda idinkaa maanta mustaqbalkii ah, idinkaa maanta noloshii dalku haday xumaatana idinka xumaanaysaa, haday  wanaagsanaatana idiin waanaagsanaysaa ee nabadiina ilaashada.”.

Wasiirka wasaarada waxbarshada iyo tacliinta sare Pro. Faarax Cilmi Geedoole oo isna munaasibada ka hadlay ayaa ifitiimiyey ahmiyada aqoontu u leedahay dalka, waxaanu hanbalyeeyey ardayda qalin-jabinaysa.“Waxa sharaf ah in maanta jaamacadu gudoonsiiso shahaadado Master ah  ardaydeenii waa guul aynu ku gaadhnay dadaal  waana guul aynu ka guulaysanay wax kasta oo dadka kala dagaalama horumarka markasta oo ardaygu uu go’aansado inuu iskuul ama jaamacad galo amaba ka qalin jabiyo waxaynu u soconaa  in ay ka guulaysano jahliga wadankeenuna hore-umaro Illaahay baa inagu toosiyey dariiqii toosanaa Somaliland insha alaah way hore maraysaa sanadada soo socdana waxaynu halkan ku bixin doonaa shahaadada PHD -da waanan idiin hambalyeynayaa.”.

Nuura Cabdillaahi Magan oo ka mid ahayd ardayda qalin jebisay oo halkaas ka hadashay ayaa u mahadcelisay maamulka iyo macalimiinta jaamacadan, waxaanay bogaadisay ardayda qalin jebisay. Cabdishakuur Xaaji Muxumed (Heersare) oo isaguna ka mid ahaa ardayda qalin jebisay ayaa maamulka jaamacadda guddoonsiiyay shahaado sharaf.

Gabo gabadii waxa munaasibada soo afmeeray  guddoomiyaha golaha wakiilada ahna guddoomiyaha xisbiga Waddani Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro) oo khudbad dar-daaran iyo dhiiri galin siiyey ardayda qalin jabisay. “ waxan jecelahay inaan hambalyeeyo ardaydan  maanta halkan ku qaadaynsa Digree-ga labaad ee jaamacada ee Masters ka ,maamulka iyo macalimiinta jaamacad-ba waxaan leeyahay hambalyo sidaa Maxamed uu sheegay markii dhawayto  waad nasiib badan tihiin markii aanu dugsiga sare anagu ka baxnay waxa qofkii jaamacad doonayaa uu tagi jiray Xamar  degree labaad na hadalkiisaba daa markaa inaad digree gii koowaad iyo tii labaadba aad idinka oo hooyooyinkiin la jooga qaadatan  runtii waa nasiib aan isleeyahay waad dheertiin markii aan ka baxanay dugsiyada.”.Ayuu yidhi Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Ciro).