Xaflad Lagu Xusay 26 June Oo Madaxtooyada Lagu Qabtay

0
607

DSC_0282Hargeysa(Geeska)-Madaxtooyada Somaliland waxa shalay lagu qabtay xaflad kooban oo lagu xusayay 26-June 1960 kii oo ku beegan oo ah maalintii ay Somaliland xorriyadda ka qaadatay Ingiriiska.

Madaxweynaha Somaliland ayaa xafladda ka qayb galay, waxaana sidoo kale kala qayb galay guddoomiyaha maxkamadda sare Md. Aadan Xaaji Cali, guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, wasiiro iyo masuuliyiin kale.

Xafladan qiimaha badan ayaa waxa kale oo  isugu yimid odayaal iyo masuuliyiintii wakhtigii ay Somaliland qaadatay Xornimada kala wareegay Boqortooyadii Ingiriiska, waxaana ka mid ahaa DC-gii ama Gudomiyihii wakhtigaasi lagu wareejiyey xornimada Somaliland oo ahaa Cismaan Axmed Xasan (Indhoole), Xaaji Cabdikariin Xuseen (Cabdi Waraabe), Maxamuud Aadan Dheri, Saxardiid Raage oo dhamaantood ka waramay qiimihii xornimadu lahayd, Dareenkii, xamaasadii iyo sidii loogu wareejiyey Somaliland. Madaxweyne Siilaanyo, Xaaji Cabdiwaraabe, Cismaan Indhoole  iyo Muuse Biixi Cabdi oo halkaas hadalo kooban ka jeediyay ayaa ka hadlay ahmiyadda ay 26 June 1960 u leedahay umadda reer Somaliland oo halgan dheer u soo galay.