“Xadhiga Guuleed Daahir Wuxuu Ceeb Ku Yahahay Dimuqraadiyadda Somaliland”

0
536

Picture6Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyihii guddiga xuquuqal insaanka qaranka ee xukuumadii Hore ee UDUB Md. Axmed Yuusuf Xuseen, ayaa xukuumadda Somaliland ugu baaqay in xorriyadiisa loo soo celiyo badhasaab xigeenkii hore ee Togdheer Md. Guuleed Daahir Samatar oo ku xidhan magaalada Hargeysa.

Md. Axmed, oo xalay la soo xidhiidhay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu sheegay in xadhiga Mr. Guuleed uu cambaar ku yahay Somaliland, maadaama oo uu yahay masuul xil qaran hore u soo qabtay. “Waxaan si weyn u cambaaraynayaa xadhiga sharci darada ah ee lagula kacay Guuleed Daahir Samatar oo ku xidhan saldhiga dhexe ee Hargeysa 14 maalmood oo aan habayaraate la horgayn maxkamad.” Ayuu yidhi Guuleed, waxaanu isagoo hadalkiisa sii wata uu yidhi “Wuxuu xadhiga Guuleed  meel ka dhac ku yahay dhammaan xuquuqal aadamaha iyo dimuqraadiyada Somaliland iyo xeerarka dalka, isagoo ah nin masuul ah oo xil sare qabtay islamarkaana ka amid ahaa masuuliyiintii xukuumadii UDUB, in xabsiga lagu hayo 14 maalmood oo bilaa maxkamad ah,  wuxuu  meel ka dhac ayay ku yahay qaranka Somaliland.”

Ugu dambayn wuxuu isagoo baaq u diraya xukuumadda Somaliland uu y idhi “Waxaan ku baaqayaa in ninkaas xorriyadisa sida ugu dhaqsaha badan loo soo celiyo, xilkuna waa meerto markaas waa in la isku karaameeyaa masuuliyadda oo aan dadka  bir-ma gaydada ah  si fuud loogu xidhin saldhiga.”