Xaaladda Somaliland: Heerka Saboolnimada Iyo Cabudhinta Xorriyatal Qawlka

0
616

Picture6Heerka saboolnimada iyo cabudhinta xorriyatul qowlka. Somaliland waxa ay ku jirtaa darajada afraad ee SABOOL-NIMADA DUNIDA.   Sababtu ma DALKA, MA DADKAA, MISE WAA MADAXDA?

1. Dalka, wuxu ALLA ku mannaystay: Xoola-nool, macdan, shidaal (lagu rajo weyn yahay), dhul beeraad, dhuxul-dhagax, kaluun iyo khayraad kale oo badan. Sababtu markaa ma aha Dalka.                                                                                                                                                           

2. Dadweynuhu; Wuxu ka soo doogay, bur-bur balaadhan oo ka badan 85 %. Adduunkii siddeed boqol oo sannadood  la soo tabcay ayaa la boobay. Sidaas oo ay tahay, lama arag qoff reer Somaliland ah oo dawarsanaya. Karti  iyo wada noolaansho ayay muujiyeen. Muddo gaabanna, way kaga soo doogeen 

3. Markaa sababta SABOOL-NIMADA SOMALILAND waxa ay ku soo ururtay maamul xumo ilaa 1991kii; Waxana sal u ah, Eex iyo Qabiil, Madaxda oo xilkii loo igmaday taseeyay, Cadaaladii oo ambatay. Dastuurkii iyo sharcigii Dalka oo laalay,  Albaabadii musuq-maasuqa oo la furay iyo Hantidii Ummadda oo la boobay.

Tusaale; Xeerkii Saxaafadda ee Baarlamaanku asixiyay (Xeer No 27/2004) ee Madaxweynuhu saxeexay oo sidaa dhaqan-gal ku ah, ayaa Garsoorkii si badheedh ah u baal maray. Wuxu qaatay Xeerkii Ciqaabta ee Ina Siyaad Barre ee la laalay. Xeerka Saxaafadda Qodobka 31:                                         TIR-TIRID: Xeer kasta, sharci kasta, wareegto kasta iyo amar kasta oo khilaafsan ama ka hor imanaya Xeerkan way burayaan.

Tusaale ahaan; waxa taagan CABUDHIS XUKUUMADDU ku hayso SAXAAFADDA madaxa bannaan. Ujeedaduna tahay, in daboolka la saaro MUSUQ-MAASUQA ka socda Xukuumadda iyo in  Dadweynuhu ogaado xaqiiqda.

Haddii aan u soo laabto, xadhiga Mujaahid Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Tafa-tiraha Haatuf iyo Jaraa’idka albaabada loo xidhay, ee Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta ee sababteeda leeyahay. Waxa lagu soo koobi karaa, hab-dhaqanka Maamulka maantu, wuu ka fog yahay, cadaalad iyo u adeega xasiloonida Dalka. Waxa haboon in Madaxdu is-baddel dhakhso ah la timaad:                                                      

Ku dhaqanka Dastuurka iyo sharciyada Dalka J. S. L; Sugidda Cadaaladda; Dabar-go’ynta MUSUQ-MAASUQA, la dagaalanka SABOOLNIMADA. Taageerada DAN-YARTA; iyo shaqo abuurka DA’YARTA. Waa lama huraan in dhakhso wax looga qabto arrimahan.

Hadda ba waa maxay sababta Xukuumaddu ku diidan tahay in Xeerka Saxaafadda lagu dhaqmo.                                                                                                                                                                                     1. XEERKA SAXAAFADDA (Xeer No.27,2004 ee Golayaashu ansixiyay Xeerka Saxaafadda.                                                                              2. Go’aanka Lr.GW/K1-21/317/2004 ee 18/01/2004 ee Golaha Wakiiladu ku ansixiyey Xeerka Saxaafadda.                                                                                                                                                                       3. Go’aanka Lr. GG/kal/fadhi 23/G-4/2004 ee 07/02/2004 ee Golaha Guurtidu ku ansixiyey Xeeka Saaxaafadda. Wuxu sharcigani dhaqangal noqday markuu Madaxweynuhu saxeexay. Sidaa darteed  Saxaafadda laguma qaadi karo Xeer aan ahayn kan Saxaafadda.

Waxa ay arrintani u muuqata, in ujeedada dhabta ihi tahay, in aan Xukuumaddu u diyaar ahayn in Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta la farageliyo, aduun kasta oo ay lunsato. Cidii wax ka sheegtana, la gelin qafaska ARGAGIXISADA IYO  SHABAABKA. Xisaabta Wasaaraduna tahay: lama TABTAAN iyo soo marrow Malagaa-gel.

 Dhaqanka noocani waa ASTAANTA CURISA KACDOONKA.

ALLA MAHAD LEH

Eng. Maxamed xaashi