Xaaladda Deegaanadii Tukaraq Ee Lagu Dagaalamay Oo Degen Iyo Maraykanka & Qaramada Midoobay Oo Soo Saaray Baaqyo

30
10144

Hargeysa(Geeska)-Xaaladda deegaanka Tukaraq ee gobalka Sool ee ay Salaasadii ku dagaalameen ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland, ayaa degen ka dib dagaalkaas, waxase laga dareemayaa cabsi ah in ciidamadu isku dhacaan mar kale maadaama oo aanay weli kala fogaan.

Jiiddaas ayaa laga dareemayaa saan-saan colaadeed, waxaana hakad ku yimid gaadiidkii isaga gooshi jigay magaalada Lascanod ee Somaliland iyo Garowe ee Puntland. Ciidamada qaranka Somaliland ayaa ku jira xaalad heegan ah oo ay kaga feejiganyihiin weeraro mar kale kaga yimaada Puntland, waxaana ciidamada dhex jooga taliyaha guud ee ciidanka qaranka Somaliland sareeye gaas Nuux Ismaaciil Taani.

Waxa deegaanada lagu dagaalamay laga dareemayaa baro-kac dhinaca bulshadii deegaanada ku noolayd oo ka fogaatay saamaynta ay dagaaladu ku yeelan karaan.

Geesta kale Maraykanka iyo Qaramada Midoobay ayaa Somaliland iyo Puntland ugu baaqay inay dagaalada joojiyaan oo ay wada hadlaan. Xafiiska Maraykanka ee qaabilsan arrimaha Soomaalida ee Nayrobi ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu ku yidhi “US Waxay ku baaqeysaa xabbad-joojin degdeg ah ee ku aadan arinta Tukaraq; waxayna ku boorinaysaa maamuladda Somaliland iyo Puntland wada-hadal iyo wadashaqayn dhab ah oo ku xidhan dadka deeganka si loo soo afjaro colaadda.” Ayuu yidhi qoraalku.

Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay danjire  Michael Keating ayaa isaguna ku baaqay in dagaalka la joojiyo. “Qaramada Midoobay waxay labada dhinac ku boorinaysaa inay ka wada hadlaan sidii ay uga shaqayn lahaayeen xabbad-joojin iyo heshiis siyaasadeed.” Ayuu yidhi danjiraha Qaramada Midoobay, isagoo intaas raaciyay “Sidoo kale, Qaramada Midoobay waxay ku nuuxnuuxsanaysaa khatarta weyn ee uu dagaalku keenayo. Khatarahaas waxay isugu jiraan barakaca suurto-galka ah ee tobaneeyo kun oo dad ah – way ay baahida bani’aadanimo ka sare martay dhaqaalaha la heli karo – iyo sii hurinta amni darrada iyo khilaafka, kuwaas oo taageero u noqonaya ujeedooyinka kooxaha xagjirka ah ee shaqaaqada wada.

Taliyaha guud ee ciidankada qaranka Somaliland Nuux Ismaaciil Taani ayaa shalay wuxuu warbaahinta kula hadlay meel 7 Km dhinaca bari ee Garowe ka xigta magaalada Tuko-raq ee ay ciidamadu hore u joogeen. Wuxuuna sheegay in ciidamada qaranka Somaliland ay dagaalkii Salaasadii ku qabsadeen fadhiisinkii ciidanka Puntland ee deegaanka Godqaboobe.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here