Xaalada Dugsigii Ugu Qadiimisanaa Burco Ee Togdheer Oo Laga Dayrinaayo

0
632

 

Burco(Geeska)-Xaalada dugsiga ugu qadiimisanaa Burco ee Togdheer ayaa laga dayrinayaa kadib markii dayactir la’aan baahsan ay soo food saartay.

Qaar ka mid ah ardaydii ka baxday dugsigan ayaa warbaahinta la halday iyaga oo  ka dayrinaaya xaalada dugsigu haatan uu ku sugan yahay oo ay ku tilmaameen inay u muuq eegtahay markii dalka la soo galay, waxaanay dalbadeen in ardaydii hore dugsigan wax uga soo bartay ay taageero u muujiyaan dugsiga ay taariikhdoodu ay ku lifaaqanhay. Dugsigan Hoose Dhexe ee Togdheer ayaa uu guddoomiyaha waxbarashada gobalka Togdheer  sheegay in dawladu dayr lagu soo wareejiyo ay u bilaabayso hada se xaaladu dugsigaas waa ay ku adagtahay wakhtigan.

Xamse Maxamed Cali oo ka mid ahaa ardaydii dugsigan ka baxday waxa uu sheegay “ Maanta waxaanu isugu nimi  dugsigii hoose dhexe ee Togdheer, ujeedada aan isugu nimina wax kale maaha  waa qiiro iyo dareen dhamaantoyo  na wada taabtay dareenkaasina waxa uu yahay dugsigii aan ka baxnay oo waxaanu aragnay  maanta anagii noo baahan  shalay isagaanu u baahnayan maanta isagii baa noo baahan,  dugsiga markaanu nimi dareenkayagu aad ayuu isku badalay waxa uu maanta dugsigu ku noqday 1997-dii iyada oo uu maraayo 2019, maanta foolxumo ka weyn ma jirto dugsigii aad adigu ka baxday oo maanta xidhmay.”

Mid ka mid ah hablii dugsigan ka baxay ayaa sheegtay inay ka murugootay xaalada “Laba jeerba mar waan ku farxay inaan dugsiga yimaado  oo markaan soo fadhiistay waxaan xasuustay yaraantaydii waayo fasalka koowaad ayaa layga qoray marna waan ka murugooday dugsigu sida uu u eeg yahay, xiliyadii dalka lagu soo noqday sidan umuu eekayn.”

Sakariye oo ka mid ahaa ardaydii ka dugsigan ka qalinjabisay ayaa isaguna dhankiisa baaqan diray  “maanta waxaan taaganay dugsigii hoose dhexe ee Togdheer  oo sida ay taariikhdu sheegayso ahaa dugsigii ugu horeeyay  ee laga furo gobalkan Togdheer, 1934 ayaa la sheegay in dugsiga la dhisay, hadaanu nahay ardaydii dugsigan ka baxday ee tacabka faraha badan uu dugsigani galiyay maanta waxaanu doonaynaa dal iyo dibadba ardayda reer Somaliland  ee dugsigan ka baxay inaan dugsigeenii dayactirno.”

Guddoomiyaha waxbarashada goblka Togdheer Maxamed Xasan Caynaashe ayaa sheegay inay teegeerada dugsigan soo dhawaynayaan, isla markaasna dawladu ay dayr u xidhayso hada “ Wasaarada wxbarashada oo la kaashanaysa wasaarada maaliyadu waxay qaadatay in dayrkisii la dhiso  mudana  waa laga shaqaynaayay waxaanan halkan kaga dhawaaqayaa in hawshii dayrku ay soo dhamaatay.”

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here